Wafdi Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Cabdiraxmaan-Cirro Oo Si Weyn Looggu Soo Dhaweeyay Caynaba,Oog,Wadaamogoo Iyo Deegaamadda Hoos-Yimaadda.

Sool(GNN):-Kummanaan Taageerayaasha Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa si balaadhan ugu soo dhaweeyay Deegaammo badan oo ka kala tirsan Goboladda SOOL Iyo TOGDHEER,gaar ahaana Magaallooyinka Caynaba,Oog iyo wadaamogoo wafdi uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga WADDANI,Cabdiraxmaan-cirro oo safar shaqo deegaamaddaas ku maraya.

Wafdiggan,ayaa subixii hore ee saaka,waxay kasoo ambo-baxeen Magaaladda Burco,waxaana intii ay Jidka dheer marayeen Caleemo qoyan iyo astaanta u gaarka ah Xisbigaasi kusoo dhaweynayay dadaweyne tiro badan oo deegaamadaas ku nool.

Musharax Cabdiraxmaan-Cirro oo fagaarayaal dhawr ah dadweynaha kala hadlay,ayaa u muujiyay in Somaliland-ta uu ku riyoonayo inuu dhisaa tahay mid xuquuq siman ay u leeyihiin guud ahaanba shacabka reer Somaliland gobol kasta oo ay ku nool-yihiin.Musharax Cabdiraxmaan-cirro ayaa ILAAHAY umadda

deegamaddaas uga rajeeyay inuu u shubo Raxmaadkiisa,iyadda goboladdaasi yihiin qaar ay wali kasii muuqato raadadkii abaarihii sida weyn u sammeeyay guud ahaanba Geeska afrika.

Waxa kale oo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga WADDANI dadweynaha ugu baaqay inay si habsami ah u qaataan kaadhadhka cod-bixinta oo todobaadka danbe si rasmi ah uga bilaami doona Goboladda SANAAG Iyo SOOL oo noqonaya labaddii Gobol ee ugu danbeeyay goboladda Somaliland ee qeybinta kaadhadhka cod-bixinta muwaadiniinta fursadda u heli doona inay ka qeyb-galaan doorashadda Madaxtooyadda ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo Bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno.

Waxa kale oo dadweynaha halkaas kala hadlay xubno ka mid ah wafdigga Guddoomiyaha,kuwaas oo kala ahaa;Siyaasi Ismaaciil-yare,Abiib timacad iyo Madax kale oo ka mid ah Xisbigga WADDANI