War Deg-Deg-Daawo-Siyaasi Maxamuud Jaamac Abgaal Oo Ku Dhawaaqay inuu ka baxay xisbiga kulmiye,kuna dhawaaqay Halka uu ku biiray.

Hargeisa(GNN):-Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland Maxamuud Jaamac Abgaal ayaa maanta si rasmi ah waxa uu u shaaciyay inuu ka baxay xisbiga muxifaadka ah ee kulmiye isla markaasina uu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee waddani.

Siyaasi Maxamuud Jaamac abgaal ayaa soo bandhigay dhaliilo uu u jeediyay hogaanka sare ee xisbiga kulmiye iyo qorshaha ay ku doonayaan in ay bulshadda cod kaga kasbadaan oo ku tilmaamay inuu yahay mid bulshadda isku diraya waxaana uu yidhi.

“Waxaan kaliya een rabaa inaan maanta halkan ka cadeeyo inaan ka mid noqday xisbiga mucaaradka ah ee waddani aniga oo ka digo rogonaya xisbiga muxaafidka ah ee
kulmiye,saababta aan xilka uga tagay iyo hawlahaas runtii xiligeed iyo wakhtigeeda ayaan ka hadlayaa,lakiin waxa kale een halkan ka iftiimin karro waxa weeyaan aniga oo waliba hadalkayga dhawranaya inta badana dib ula hadhaya inaan ka baxay xisbiga kulmiye.sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay horn cable tv

Intaas waxa uu ku daray hadalkiisa siyaasiy abgaal waxaana uu yidhi.”hogaanka maanta xisbiga taladda dalka haya ee doonaya inuu taladan qaranka qabto waxaad maqlaysaa yaa reer hebelaay iyo dagaal ayaan aqanaa oo xamar ayaa inagu soo socota oo waan inaga difaaci doonaa,markaas hadii aad isdul taagto labadaas oo kaliya ayay kuu soo baxaysaa inaanu talada qaranka hogaaminteeda istaahil ku ahayn.

Siyaasi jaamac abgaal ayaa sheegay inaanu qaranka Somaliland maanta u baahnayn reero balse uu u baahan yahay dimuq-raadiyadda iyo dawladnimo bulshadda waxa u qabata waxaana uu yidhi.

“Somaliland maanta qabiil uma baahna xisbi iyo dawlad-nimo ayay u baahan tahay ninka maanta reer cod ku doonaya reerkiisana yaanu cidhiidhi gooni ah galinin,intaas waxa uu ku daray siyaasi jaamac abgaal sababta uu ku doortay xisbiga waddani ayaa waxa uu yidhi.”xisbiga maanta dalkan midnimadiisa iyo isku wadistiisa wax ka qaban kara iskuna waddi kara ayaan ku qancan inuu yahay marka labadaas xisbi lays barbar dhigo.