Daawo-War-Deg-Dega-Dablay Hubaysan Oo Laascaanood Ku Toogtay Laba Askari Oo Ilaalinayey Sanaaduuqda Kaadhadhka Codbixinta Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay.

Sool(GNN):-Wararka Ka Imaanaya Magaalada Laascaanood Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa gudaha magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku toogtay laba askari oo ilaalinayey goobta ay yaallaan sanaaduuqda ay ku jiraan kaadhadhka codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay in rag afka soo duubtay kuna hubaysnaa bastoolado  ay toogteen labadan askari oo ka tirsanaa ciidanka Millateriga Somaliland isla goobtaasna ay ku dhinteen, halka uu sheegay inay dablaydaasi baxsadeen oo aan la qaban.

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in raggaasi toogtay labadan Askari ay ahaayeen laba nin oo afka soo duubtay isla markaana baxsaday markii ay toogteen Askarta oo ay ciidamada amaanku ku Daba jiraan sidii ay usoo qaban lahaayeen, waxaanuu ku tilmamay dablaydan inay yihiin Al-shabaab marka loo eego qaabka ay dilka u fuliyeen sida uu hadalka u dhigay

La Soco Wixii Kasoo Kordha Warkan.