Wararkii U Dambeeyey Ee Loolanka Loogu Jiro Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Wakiilada Iyo Magacyada Xildhibaanada Ugu Cadcad

Hargeisa(GNN):-Loolanka loogu jiro jagada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland oo ay ku hirdamayaan xildhibaano gaadhay illaa 13 xildhibaan oo isugu jira mucaarid iyo muxaafid ayaa meel adag maraya.

 

Jagadan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi oo loo ballansan yahay in la doorto maalinta Arbacada ah oo berry ku began, ayaa waxa saacadihii u dambeeyey meel xaasaasiya gaadhay loolanka xildhibaanada ku tartamaya, kuwaas oo shirar iyo olole oo ay ku kala jiidanayaan xildhibaanada u codayn doona ka waday magaaladda Hargeysa.

Xildhibaanada ku loolamaya Kursiga Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada, ayaa la sheegay in ay ugu cad cad yihiin xildhibaanada kala ah Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo xisbiga Kulmiye ka tirsan kana soo jeeda Gobolka Awdal, Xildhibaan Hufane oo isaguna waddani ka tirsan kana soo jeeda gobolka Awdal, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo xisbiga wadani ka tirsan kana soo jeeda Gobolka Saaxil iyo Xildhibaan Axmed Cali Dable oo isaguna ka tirsan xisbiga Kulmiye kana soo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaas oo wararku sheegayaan in ay saacadihii u dambeeyey ka mid ahaayeen xubnaha ugu cad cad, halka ay jiraan xubno kale oo iyaguna qayb ka ah loolanka jagadaasi loogu jiro.

Xildhibaanadan ku hirdamaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada, ayaa ku hawlan kala jiidashada xildhibaanada u codayn doona maalinta doorashada, kuwaas oo mid waliba ku dedaalayo sidii uu u hanan lahaa codad uu ku soo boxo, waxaanay ku kala hadhi doonaan doorashada maalinta beeri ah golahaasi u ballan san yahay ee jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad, iyada oo ay jirto khilaaf weli ka dhex jira golahaasi oo la xidhiidha doorashadii guddoomiyaha oo aan weli xal laga gaadhi.

Hargeisa Somaliland

GABILEY LOGO OK