Wariye Ka Tirsan Laanta Afka Somaliga Ee Bbc- Oo Ku Geeriyooday Wadanka Hindiya Iyo Taariikhdiisa Oo Faahfaahsan

 Alla U Naxriistee Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo ka mid ahaan jirey wariyeyaasha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ku geeriyoodey dalka Hindiya, halkaasi oo u joogay sababo caafimaad.
Yaasiin Ciise Wardheere oo ah saxafi ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen Axmed Kismaayo ayaa BBC-da oga waramay wixii uu ka yaqiinay marxuumka wuxuuna yiri “Axmed Kismaayo wuxuu ahaa dhalinyaradii aan ku kulanay Radio Muqdishoow 1986-dii, isaga oo markaasi dugsiga sare kasoo baxay, waxaa markii hore lagu bilaabay farsamo yaqaan, markii dambe ayuu ku biirey warar diyaarinta”.


Wuxuu sheegey in uu ahaa nin ahlu diin ah, islamarkaasina dhalinyarada xaafadda Madiina ee Muqdisho ay aad u jeclaayeen. “Markii uu dalka burburey wuxuu usoo qaxay magaalada Kismaayo halkaasi uu kasoo saari jirey wargeys, markii dambana dhanka Garoowe ayuu u wareegey oo uu sidoo kale kasoo saari jirey wargeysyo”.
Axmed Kismaayo ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ku biirey sannadkii 1997-dii oo uu oga soo warami jirey magaalada Garowe ee Puntland.
“Waxaan kale oon ku xusuustaa in uu wax ka qoro waxyaabaha uu ka bartay warbaahinta oo uu dadka u gudbiyo, isaga oo sannadkan aan hadda ku jirno qorey buugga lagu magacaabo Leyliga Saxafiga” ayuu yiri Yaasiin Ciise Wardheere.
Axmed Maxamed Cali ayaa BBC-da ka sokoow waxa uu noqdey agaasimaha guud ee Taleefishinka Puntland iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland oo uu iska casilay markii uu xanuunkaa kusoo kordhey.
Waxaase marnaba aanan laga murmi karin uu ahaa rug caddaa iyo halyeey ka baxay guud ahaan saxaafadda Soomaalida, una reebey dhaxal ma guuraan ah oo jiilalka soo socda anfici doona.
La wadaag qodobkan Faahfaahin