Wasiirka Duulista Somaliland Oo sheegay inaanay Madaaradda Soo Cago Dhigan Karin Diyaaradda Aan Ogolaasho Haysan.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo saaka xafiiskiisa Warfidiyeenka kula hadlay ayaa sheegay inaanay diyaaradna soo cago dhigan karin garoonadda somaliland iyadda oon ogolaasha ka haysan Wasaarada Duulista Somaliland

Ugu horay waxa uu Wasiir Faraxaan hambalyo u diray Gudoomiyaha Cusub ee loo doortay Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxaanu yidhi:-“ ugu horayn waxaan u mahadcelinayaa xildhibaanada barlamaanka waxaan hanbalyo wayn oo mug iyo qiimo leh halkan ugu dirayaa gudoomiyaha cusub ee golaha barlamaanka Jamahuuriyada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax oo maanta cod aqlabiyada ku guulaystay inuu noqdo shir gudoonka cusub ee golaha barlamaanka. Waxaan aaminsanahay inuu wax badan ka bedeli doono shuruuc badan oo barlamaanka hor taala”

Wasiirku waxa uu digniin u diray Diyaaradaha aan Wasaarada Duulista Somaliland ogolaansho ka haysan ee is yidhaa fadhiista Garoomada Diyaaradaha ee Wadanka, isagoo arintaas ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:-“ waxaan doonayaa inaan halkan ka jeediyo dhamaan waxaan war gelinaynaa shirkadaha Diyaaradaha ama Nayroobi ha joogaan ama halkan ha joogaan Diyaarada aan ruqsad ka haysan oo aan loo ogolaanin inay ka degto garoon ka mida garoonada Jamahuuriyada Somaliland kama degi karto. Waxaan u sheegayaa shirkadaha inaanaan damaanad qaadahayn amnigooda iyo badqabkoodaba hadii shirkadaha qaar isku dayaan inay kasoo degaan garoon ka mida garoonada Somaliland. Waanay u madax banaan tahay Somaliland xadkeeda hawo, bad iyo beriba”

Wasiirku waxa uu ka hadlay halka ay marayaan wadahadalada dhinaca Hawada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, waxanu yidhi:- “hawshii maamulka hawada anaga xagayaga meel fiican bay maraysaa qolada somaliya iyagu isku day ayay wadaan isku daygaasina wax suurto gelaya maaha, Sifo kasto ha ahaatee inaga qalabkeena iyo waxa aynu hawadeena ku maamulanaynaa waa inoo diyaar iyagana hadii ay hawdooda maamulanayaa waxba kama qabno, laakiin wax kasta oo isku khaldaaya labada hawo oo aan wada hadal laga gelin maya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-“Runtii rajo wanaagsana waan ka qabnaa in wadahadal wanaagsan oo laysku afgartaa ay bilaabmaan,Hadii ay bilaabmi waayaan oo ay taasi dhici waydo waxa khasab ah in hadii uu dhamaado mudada kala wareega ee ICAO loo diyaariyay inay mashruuca ku fuliso ee dhamaystirka sanadka 2018 ka in golaha amaanka oo ay ICAO uga wakiil tahay uu go,aanka gaadho, taasina waxay keeni karaysaa in cid kale lagu wareejiyo hawadeena ha noqoto wadamada jaarka ama wadamada kale ee loo arko inay muhiim u yihiin taasina waxay dhalin doontaa inay mudo dheer ka maqnaato gacanta somalida markaa waxaanu rajo wayn ka qabnaa in laysu yimaado la wada hadlo laysla eego in la wada maamulan karayo hadii taasi suuro geli waydo dawlad waliba waa u madax banaan tahay qorshaheeda iyo nidaamkeeda”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in doorashada soo socota uu ku guulayasan doono xisbiga Kulmiye, isaga oo arintaas ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:- “dhinaca doorashada dadku kaadhkii si fiican bay u qaateen labada gobo lee hadhay markay soo gebageboobaan waxaan u diyaar garownaa waa doorashadii oo dhacda November. Kolay xisbiga aan ka tirsanahay ee kulmiye rajo wanaagsan baanu qabnaa guulo badan ayuu dalkan gaadhsiiyay guulaha wixii qabyo ahna hogaan cusub ayaa imanaya dhamaystirkeeda iyo kobcinteeda iyo kuwii hore wixii u baahan in la tayeeyo tayayntoodaba waxaan aaminsanahay inuu yahay qof waayo arag ah oo dalkan xaq badan ku leh guulo badan oo halgan kasoo qayb qaatay mudo badan dhex joogay oo rag badan oo kale ka maqnaayeen maantana u diyaara inuu wakhtigiisa u huro inta cimrigiisa ka hadhay.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyey Diyaaradaha Milatariga ee soo fadhiista Madaarada Somaliland ama soo gala hawada wadanka ayaa waxa uu yidhi:- “runtii anagu ma nihin wasaaradii militeriga oo militeriga arimihiisa ma faro gelino Diyaaradaha militeriga ee inoo yimaadaa waxa weeyaan qaar ogolaanshiiyahayaga ayay ku yimaada laakiin waxaanu uga digaynaa kuwa aan haysan ogolaanshaha inay iska soo galaan mid militeri iyo mid shacaba kuwa inoo yimaada ee rakaabka sidaa dhamaan ogolaanshiiyo ayay naga haystaan taawerkeena ayay la soo hadlaan way wargeliyaan qaar baa halkan dhidaal ka qaata dadwaynaha Somaliland waxaan leeyahay ha umalaynina inaan la socon.”

Wasiirku waxa uu mid iyo laba ka soo qaatay waxyaabaha u qabsoomay, waxaanu yidhi:- “runtii dedaalkaa aanu samaynaynaa waa wixii madaxwaynuhu noo igmaday imika VIP cusub ayaa socota oo loogu talo galay inay sida caalamka noqoto si ay dadku adeeg wanaagsan uga helaan madaarka, wax kale oo wadhadalkii noo socdaa sidii loo dhisi lahaa terminalkii cusub oo aanu rabno inaanu hawshaa degdeg u dardar gelino, kolay qalab cusub waanu kusoo kordhinaynaa Madaarka xaga hore ee Madaarka waxaanu kusoo kordhinay exarayga baabuurta xaga hoose ka sawira si loola socdo in wax lagu rakibay, shaqaalaha uu qayb tii ugu horaysay aanu u diri doono mahadka lagu barto maamulka hawada ee Itoobiya oo ah kuwa ugu horumarsan aduunka ama Africa ba 10 shaqaale ah ayaa tegaya ooh ore tababar usoo qaatay tababarkii hore waxa uu ahaa inay diyaaradaha soo dejin karaan imikana waxay soo baranayaan inay diyaaradaha ina dulmara soo hagi karaan. Madaarka Burco wuu socdaa dhismihiisii sedex sanadood ayuu soconayaa. Madaarka Berbera dhulkii ayaa imika loo qorsheeyay degdegna waa loo bilaabayaa dhismihiisii, shaqo abuuris badana waa laga helayaa runtii.”

Wasiirku waxa uu sheegay in dafcadii ugu horaysay ee soo gudanaysay xajku biri ka dhoofidoonaan Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa,:-“ waxaan kaloo doonayaa inaan halkan idin kula wadaago waxaynu ku jirnaa moosimkii xajka ee sanadkan dufcadii ugu horaysay ee xujaaj ah ee u anba baxaysay bayd ka ilaahay subxaana wata caalaa berito (maanta) ayay ka anba bixi doonaan halkan  Madaarka Hargeisa insha allah ku dhawaad 130 xaaji. Runtii ka wasaarad ahaan adeeg hufan ayaanu u diyaarinay waxaan leeyahay xujaajtuna ha ixtiraamaan nidaamka iyo habka shqada loo sugay waxaan uga mahadcelinayaa shirkadaha adeegaa fulinaya ee Juba iyo Daalo”