Wasiirka Madaxtooyadda Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Xildhibaanada Kulmiye Iyo Fariinta Uu U Gudbiyey.

Wasiirka wasaarada madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay 45 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiilada somaliland taas oo dhamaantood lagu guubaabiyay in codkooda siiyaan murashax guddoomiyaha  golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Qado sharaftan oo ka dhacday magaalada hargaysa ayaa waxa kale oo xildhibaanada ku wehelinayay wasiiro,siyaasiyiin,Murashaxa Jagadda Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Lataliyaha gaarka ee madaxwaynaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cade.

Qado sharaftan oon loo ogolaan in ay warbaahintu goob joog ka noqdaan madashan ayaa haddana wararka ay helayso hadhwanaagnews waxa ay tilmaamayaan

in ujeedkeedu ahaa in xildhibaanada kulmiye codkooda ku hubsadaan guddoomiye baashe sidii ay kursiga guddoomiyaha golaha wakiilada ee uu dhawaan cabdiraxmaan Ciro Iska Casilay loo Saari lahaa.

Murashaxiinta kale ee la tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka mid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) iyo xildhibaan Saleebaan Cali Koore kuwaas oo dhamaantoodba maalinta bari ah lagu kala ogaan doono cidii ku fadhiisata kursiga guddoomiyaha golaha wakiiladda.