Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Oo Ku Sugan Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Safarkiisa

Muqdisho(GNN):-Wasiirkii hore Ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugan yahay magaalada muqdisho ee dalka somaliya.

Dr. Maxamed Cabdilaahi ayey wararka hor dhaca ah ee laga helayo safarkiisu sheegayaan inuu kulamo la qaatay raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada muqdisho Xasan Maxamed Samatar (Xasan Cowke)ayaa sheegaya in Dr. Maxamed Cabdilaahi ku sugan magaalada Muqdisho isla markaana aan warbaahinta loo ogolayn inay wax ka waydiiyaan ujeedada safarka uu muqdisho ku joogo.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ka qayb galay shirar ka

dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo lagaga hadlayey amaanka wadanka soomaaliya.

Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore u soo noqday wasiirka arimaha dibada somaliland, ayaa haatana ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Xukuumada somaliland ayaa dhawaan shirkii golaha wasiirada ku go’aamisay inaanay muwaadiniintu u safri Karin dalka soomaaliya, bals waxa laga war dhawrayaa talaabada ay ka qaadi doono Dr.Maxamed Cabdilaahi oo ah masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye.

 

GABILEY LOGO OK