“Waxaan Ka Mid Ahaa Dadka Danbi Dhaafka Ka Weydiisanaya Kulmiye Waayo Masaajidka Badhtankiisa Ayaan Uga Ololeynayay” Sheekh Aadan Siiro

Hargeisa(GNN) :-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa ka hadlay xaalada uu haatan dalku ku sugan yahay.

Sheekh Aadan Siiro oo ka hadal ka jeediyey munaasibad lagu furayey ururka Adkeynta Qaranimada Somaliland waxa uu isbadal lagu fashilmay ku tilmaamay go,aankii ay shacabka Somaliland ugu codeeyeen xisbiga Kulmiye doorashadii qabsoontay 2010-kii.

Sheekh Aadan oo ka hadlaya rajada umada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in beeshii dhexe ee halganka hogaaminaysay ee umadoodii dumisay, siyaasiyiintoodii, intii hogaaminaysay iyo inta maanta joogtaa waxay ku fashilmeen inay umada tusaan rajo, yeynaan been isku sheegin, ilaa ay dib wax isku waydiiyaana ma soo noqonayso rajadii umadu, shirar aynu qabano iyo ururo aynu samayno 26 sanadood ka dib aniga ilama aha inay badbaadinayaan dalka, Dhulkii ugu dambeeyey ee Hargeysa ayaa maanta lagu kala tagayaa markaas ayaa sacabka la garaacayaa oo la leeyahay waxaas ayaa la qabtay.”

Sheekh Aadan Siiro waxa uu sheegay inaan xukuumadani waxba ka reebin dhulkii danta guud ahaa waxaanu yidhi “Shanyo Toban Kilo Mitir (15KM) oo isku wareeg ah oo dhul ah ayey xukuumadii aynu la dagaalanay kaga tagtay Hargeysa, ilaa maantana waxa Hargeysa dhakhtar u ah cusbitaalkii uu ingiriisku sameeyey 1945 wakhtigaas oo ay ku nooleeyaan 80,000 oo qof halka ay maanta ku nool yihiin 1.2 Million, dhakhtarada 24-ka ahi waa qaar gaar loo leeyahay, 25-ka jaamacood ee ka dhisana gaar ayaa loo leeyahay, in ka badan 480,000(Afar Boqol Iyo Sideetan Kun) oo arday ahi waxay tagaan dugsiyo dad leeyihiin iyo guryo dad leeyihiin cid ka hadlaysaana ma jirto, xukuumadi ka hadli mayso, wadaad ka hadli maayo, suldaan ka hadli maayo dhamaanteena waxaynu noqonay Dilaaliin, Dalkan dadkii xoreeyey ee u lugo beelay ee u indho beelay ee maanta hooyooyinkoodii ay tamaandhada ku iibinayaan wadooyinka iyada oo ay caruurtoodi bakhtiyayaan,dalkana kooxo ayaa yeeshay.”

Sheekh Aadan Siiro oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dadbaa ku nool Hargeysa maalintii isticmaalkoodu yahay $5000 maalintii Hargeysa la soo galayna 12×12 Mitir dhul ahna aan Hargeysa ku lahayn, Somaliland-na sidaas ku shaqayn mayso, haday cidi godob ku gashayna 26 sanadood ayaanu ka hadlaynay, 40 sanadood dadkii aanu ku midawnay hadafka islaamiga ah ayaanu ku kala tagnay arintan, laakiin waxaan idiin sheegayaa wax wada lahaansho, cadaalad iyo sinaan ayey somaliland ku jiraysaa.”

Sidoo kale Sheekh Aadan Siiro ayaa isbadal lagu fashilmay ku tilmaamay codkii lagu soo saaray xisbiga Kulmiye doorashadii 2010-kii waxaanu yidhi “Kuwa maanta jooga waa kuwii aad ogaydeen ee Kulmiye iyada oo 99% ay Hargeysa u dagaalantay, waxa uu ahaa isbadal qaldan, waxa uu ahaa isbadal reeraysan oo lagu fashilmay, Kulmiye intii uu dalka joogay waxaan ka mid ahaa dadka ilaahay dambi dhaafka ka waydiisanayaa waayo masaajidka Badhtankiisa ayaanu uga ololaynay.”

Ugu dambayn sheekh Aadan Siiro waxa uu ku baaqay shir layskugu yeedho wax garadka beesha dhexe ee somaliland “Xukuumada maanta jirta beesha Dhexe ayaa u badan, beeshaas ka shiriya ujeedada ay ka leedahay somaliland, aqoonyahankeeda, wadaadkeeda, waranlaheeda iyo nin kasta oo la tuhmayo, maalinta aynu kuwaas ka saxeexno wax laysla ogyahay ayey somaliland istaagaysaa, inta kharibaysa, inta Xamar ku xidhan, inta mashaariicda qaadanaysa iyo inta somaliland baabiinaysaa 99% beesha dhexe ayey ku jirtaa.”

Hargeisa
Somaliland
Contactgabileynews@gmail.com