Xuddun:— Xukuumadda Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Goob Lagu Qaybinayo Kaadhadhka Codbixiyeyaasha.

Sool(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa ka hadlay tallaabo ay ciidanku  ka qaadeen koox dablay ah oo xilli habeenimo ah weerarku soo qaaday tuulo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool oo ay ku beegsadeen guri uu yaallay sanduuq  ka mid ah sanaadiiqda kaadh qaybinta ee degmada Xuddun.

Waxaannu intaa ku daray in kooxda dablayda ahi  weerarka ay soo qaadeen in ay khasaare kala kulmeen isla markaana gaadhi Tikniko ah oo ay wateenna in ciidanku ka toogtay oo uu u socon waayay dhaawacyona ay gaadhsiiyeen isla markaana ay ka difaaceen goobtii Sanduuqu yaalay.

Waxa kaloo uu ka hadlay caqabado  ay sababtay abaartii deegaannada Somaliland ku dhufatay oo dhibaato ku noqotay dadkii ka hayaameen deegaannadii ay hore iskaga diiwaan galiyeen oo ay ka soo hayaameen,dadkaas oo xoolihii ay ka baxeen oo kaamam ku jira oo aan imika gaadhi karin goobihii ay iska diiwaan geliyeen in ay xukuumaddu arrintaa ka hawl gashay oo ay dadkii u daabulayso goobihii ay kaadhka codbixiyaha ka qaadan lahaayeen isla markaana ay dib ugu soo celinayso kaamamka ay ku jiraan xilligan taasoo ah hawl adag oo aad u baaxad weyn.

Wasiirku wuxuu  sidaa ku sheegay waraysi uu xalay khadka telefoonka ku siiyay Wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada Laascaanod ee Xarunta Gobolka Sool.

Ugu horrayn Wasiirka oo ka Jawaabayay su’aal laga waydiiyay habeen saddexaad siday wax uga dhaceen Gorofley oo ka tirsan degmada Xuddun ee Gobolka Sool,waxaannu yidhi. “Habeen hore(habeen saddexaad)ayay koox dablay ah oo isa soo abaabushay oo hubaysan gaadhi tikniko ahna wataa waxay weerar ku soo qaadeen tuulada Gorofley oo ka tirsan degmada Xuddun xilligaas oo ahaa goor habeenimo ah oo la wada hurdo waxaanay abbaareen oo ay beegsadeen gurigii uu yaallay sanduuqa qaadh bixinta  codbixiyeyaashu halkaana waxaa ka dhacay dagaal adag oo ay ciidanku ku difaaceen goobta ay ilaaliyaneen halkaana waxay qasaare uu ka socon kari waayay ku gaadhsiiyeen gaadhigii ay dablaydu wateen oo meeshii ay kaga carareen  kooxdana rag ayay ka dhaawaceen,dablaydu waxay gaadhi kale oo Noho ah  ka  afduubeen isla tuulada waanay baxsadeen isla markiibana ciidanka ayaa hawl gal kaga daba dhaqaaqay waanay go,doomiyeen gaadhigii ay afduubeena wuu ka xumaaday oo meel ayay kaga tageen iyagoo dhaawiciina sita ayay ciidanku imikana ku daba jiraan.”

Wasiirka oo la waydiiyay dablaydu halka ay ka timi iyo cidda ay  yihiin,ayaa ku jawaabay,  “Waxa jira kooxo sharwadayaal ah oo maalinba dhan u carara oo xumaan wada goor kasta markaa  dablaydani waa kooxo shufto ah oo xuduuda wareegaysta laakiin xilligan imika waxay gacan ka heleen oo taageeraysay Puntland taasna wax u soconaya maaha Puntland iyo cid kale toona Somaliland,na dawlad iyo shicibba waxay diyaar u yihiin ay dalkooda iyo dadkooda diaacdaan.”

Wasiirka oo ka hadlayay sida ay qaadashada kaadhka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland u qaadanayaan dadweynaha gobolada Sool iyo Sanaag,ayaa yidhi. “qaadashada kaadhka Codbixyaha ee ka bilaabmay gobolada Sool iyo Sanaag si wanaagsan ayay u socotaa dadwynuhuna waa u diyaar in ay qaataan kaadhka Codbixyaha laakiin waxaaa jira caqabado ay keentay abaartii dalka ka dhacday dadka labadan gobol waa Xoolo dhaqato reer guuraa ah markaa dadka badankooda Xoolihii way ka bexeen oo  iyagoo caydhoobay ayay soo hayaameen oo hadda waxay ku jiraan kaamam ay ku xeraysan yihiin taasina waxay culays weyn ku noqotay dadkii in ay ku noqdaan goobihii ay hore iskaga diiwaan galiyeen ee ay ka qaadan lahaayeen kaadhkii codbixiyaha taasina waxay keentay in loo baahday in dadkii la daad gureeyo oo laga qaado kaamamka ay ku jiraan oo loo raro deegaanadii kala duwanaa ee ay hore u degenaayeen si ay u soo qaataan aadhahdkooda Codbixiyaha,ka dawlad ahaanna imika hawshaas oo culayskeeda leh oo deegaano aad u kala fog oo kala durugsan in loo raro u baahan ayaan ku hawlanahay waxaana naga go’an in aanu dadka gaadhsiino goobihii ay iska diiwaan galiyeen oo ay soo qaataan kaadhadhka Codbixiya ka dibna aanu dib ugu soo celino kaamamka ay ku jiraan arrintaasoo aanu iska kaashanayno dadka deegaanka odayaashooda iyo ururada bulshada.”

Xigasho:— Wargeyska Dawan