” Khilaafka Golaha Wakiilada Waxaan Ku Talinayaa In Wada Hadal Lagu Dhameeyo Oo Arinka Dhulka La Dhigo”…Xil Kijandhe

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada, ee ah Afhayeenka Golaha Wakiilada,  waxaanu ku taliyey in khilaafkan Golihiisa ka taagan wada hadal lagu xaliyo, oo la isku tanaasulo.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, Doorashada ka dhacday dalka Kenya iyo Somaliland waxay ka baran karto, waxaanu talo u soo jeediyey Xisbiyada Qaranka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay khilaafka Golaha Wakiilada“Waxaan ku talinayaa in arinka wada hadal lagu dhammeeyo, oo arinka dhulka la dhigo, oo si

miyir qabta la iskugu tanaasulo, oo si miyir qabta loo wada hadlo, oo buuqa la joojiyo, oo warbaahinta hadalo kulul aan la isku marin, oo hadalada xanafta leh la iska daayo, oo arintana sida ugu dhakhsaha badan Golaha dhexdiisa ha lagu dhammeeyo”.

Xildhibaan Kijaandhe oo baaq u diraya Xisbiyada ayaa yidhi “Somaliland waa wadan nabadgalyo buuxda haysta, sidaas oo ah tahay khataro iyo dhibaatooyin badan baa inagu xeeran, Doorashana wey inagu soo socotaa, markaas in Xisbiyo, Xukuumad iyo guud ahaan Bulshada reer Somaliland in sidii la iskaga kaashan lahaa in nabadgalyada la ilaaliyo, oo Doorashadu inoogu dhacdo si nabadgalyo ah ayaan ku talin lahaa”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Doorashada Kenya iyo waxay Somaliland ka baran karto ayaa ku jawaabay “Doorashada Kenya iyo siday ku dhacdayba waan hambalyeynayaa, Somaliland haddii aynu nahayna, Kenya waa Wadan aynu jaar nahay,Caalamku il gaar ah ayuu ku hayey Doorashada Kenya iyo natiijadii ka soo baxdayba, waana la hambaliyey, sidaas oo ay tahayna Deegaano ka tirsan dalka Kenya, rabashado ayaa ka dhacay, markaas waxaan ALLE ka baryayaa in inagana inoo dhacdo Doorasho khayr qabta, oo cadaalada ah, oo lagu wada qanco, Komishankana masuuliyad iyo waajibaad culus baa saaran, ee mar walba dadaal ha muujiyaan, oo sida ay ilaa hadda wax u wadaan, ha u w.adaan, si ay inoogu dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay, oo ka wanaagsan Doorashada Kenya”