Daawo-Musharaxa Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyey Mid kamida Beelaha dega Gobolka M/jeex.

Hargeisa(GNN):-Kulankan hadhimo sharafeeda ah oo uu ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Caaqil Cali Maxamed Xuseen, Odey Axmed Xaamud, Odey Barre Jaamac, Aqoonyahan Siciid Cali Dhool, Dr.Diiriye, Inj.Sharmaarke Xanaf, Pr.Rashiid Aadan, Siyaasi Naasir Beddel, Xildhibbaan Axmed Naasir Maxamed Dacar, Odey Cabdi Samad, Wax-garad, Aqoonyahan, Dhallinyaro iyo weli ba haldoor kale oo ka mid ah beelaha Baho-dhamal ee Ciidagale. Qaar ka mid ah Odeyada, Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Dhallinyaradii halkaasi ka hadashay, ayaa si aada ugu dheeraaday taariikhda soo jireenka ah ee ay ka beel ahaan ku lee yihiin Xisbiga WADDANI iyaga oo cod dheer ku sheegay in ay ka beel ahaan ay ka mid ahaayeen aas-aaseyaashii Xisbigaasi isla mar ahaantaana ay maanta u taagan yihiin siddii ay hormuud uga noqon lahaayeen hawlaha Xisbigaasi iyo weli ba . “Shirkan maanta dhex-maraaya bahweynta Baha-Dhamal iyo Xisbiga WADDANI, maaha macnaheedu inaga oo ku biireyna Xisbiga WADDANI, sida aynu la wada socono dhammaanteen Xisbiga WADDANI baynu ka wada tirsan nahay, waynu nahay, waana ayn soo ahayn weligeen ba se ujeedka kulankani waxa weeye siddii aynu u muujin lahayn cududeena taaro isla mar ahaantaana aynu calanka ugu qaadi lahayn Xisbiga WADDANI si isbedal uu dalka uga dhaco.”. Ayey yidhaahdeen Wax-garadka iyo Odeyada Beeshaasi. Caaqil Cali Maxamed Xuseen oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in beesha Baha-Dhamal ay gebi ahaan ba iskaga soo dareertay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Siilaanyo ba iyada oo ku leh xilal tira badan, waxaana uu cod dheer ku muujiyey in beesha Baha-Dhamal ay ka mid ahayd aas-aaseyaashii Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay cududeeda taageero la garab taagan tahay Xisbigaasi, waxaana uu yidhi: “Mudane Murashax, waxa aynu ognahay in reerkani uu lee yahay xildhibbaano, agaasimo iyo weli ba guddoomiye Bangiga u fadhiya se waxaas oodhan ba waxa ay iskaga soo baydheen, waxaana Cabdiraxmaanoow uu reerkani doonayaa Mansabka ka weyn kaas, waxaana uu weli ba reerkani tirsanayaa in uu Xisbiga kula lee yahay adiga na waxa ay kuu yaqaanaan in aad Baha-Dhamal ka mid tahay, marka aynu guusha helno na waxa aanu kaa rajeynaynaa xilalka uu imika reerku KULMIYE ka hayo xilal ka ballaadhan oo bahweynta Baha-Dhamal saddexdooda Haamood ba ay ka muuqdaan.”. Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday kaalintii shariifka ahayd ee beesha Baha-Dhamal ay ku lahayd aas-aaskii Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale taabo-gelintii hawlaha Xisbigaasi, waxaana uu cod dheer ku sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka ay sida midnimada leh iskugu raaceen taageeridda Xisbigaasi. “Waxa aan ku faraxsanahay in beesha Hormuudkeedii iyo Odeyaasheedii, Wax-garadkeedii, Siyaasiyiinteedii ba ay maanta garbahayga taagan yihiin, sidaas la sheegayna haddii cid abtirsanayso waxa aan qabaa in Xisbiga aad idinku abtirsiimo ugu dhow dihiin. Alle ha u naxariistee Cabdillaahi Siciid Dheere, wuxu ahaa qofkii ugu horreeyey ee aan kala tashaday saaxiibkeen waynu ku daalnee maxaynu yeelnaa, wuxu ahaa qofkii ugu horreeyey ee aanu isla qaadano in aanu WADDANI abuurno, deedna fikirkaas waxa aanu la wadaagnay saaxiibadayo, sidaas buu na ururkii WADDANI ku dhashay , beeshu haldoor bay ka ahayd, Faadumo Shuceyb na Alle ha u naxariisto iyagu na halgamaa bay ahayd, Beeshu na in xagga Xisbiga ay u soo korodho mooyaane weligeed kamay yaraan se maanta waxa aan ku faraxsanahay in
Halkan Ka Daawo Muuqaalka.