Maamulka Madaxweyne Farmaajo oo Bilaabay Ficilo Awood Ku Dhisan oo Lagu Kala Qaybinayo Siyaasiyiinta Kasoo kala Jeeda Somaliland iyo Somalia ee Dhex Degan Madaxtooyada Somalia.

Muqdisho(GNN):-Siyaasada Guracan oo Ka Soctaa Xarunta Madaxtoyada Somalia ayaa sababtay isku dayo la doonayo in dibada looga soo saaro xayndaabka madaxtooyada Somalia siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Somaliland, Ku waasi oo xilal sar sare ka soo qabtay xukuumadihii ka horeeyay madaxwayne farmaayo.

Masuuliyiin ku sugan xarunta madaxtoyada Somalia ay noo xaqiijiyeen in la isku dayay in dibada looga saaro madaxtoyada Somalia Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo hoyga uu dagan yahay ku yaalay Dhexyaalay Xarunta Madaxtooyada Somaliland islamarkaana uu Deganaa Labadii Xukuumadood Ee Ka Horeeyey Tan Madaxweyne Farmaaajo.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Oo kamid Ah Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Somaliland  Ayaa Xilal kala Duwan kasoo Qabtay Xukuumadii kala Duwanaa ee Soomaray Dawlada Somalia, Waxaana uu Xidhibaanu Soo Qabtay jagooyinka kala ah Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Dawaladii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Waxaa kale oo uu soo qabtay jagada Wasiirka Gaashaandhiga  isla Dawladii Madaxweyne Sheekh Shariif Iyadoo Wakhtigaasi uu Ahaa Shaqsiyaadka ka Mid ah masuuliyiinta Dawlada Somalia ee Sida Xoogan uga hawlgalay Sidii Amniga dalka Somalia Wax looga Qaban lahaa Kuna Suntan yahay Sidii Waxtarka lahayd ee magaalada uga Nadiifiyey Kooxihii Nabad Kasoo horjeeday ee Ay Qaybta ka Ahayd Alshaab.

Sidoo kale Waxaa uu Xildhibaan Xuseen Carab Ahaa Muddoo Dheer Gudoomiyaha Gudida Difaaca Baarlamaanka Somalia oo ilaa wakhtigan uu hayo jagadaasi.

Xildhibaan Xuseen Carab oo hadaba wakhtigan Hoyga uu Degan yahay Ku yaalo Gudaha Madaxtooyada Somalia Sababaha Halkaasi ay usoo dajiyeen Madaxweynayaashii ka Horeeyey Farmaajona ay tahay sidii amnigiisa loo sugilahaa maadaama uu yahay masuul xilal kala duwan usoo qabtay qaranka Ayaa Agaasimaha Madaxtooyada Somalia  oo dhawaan la magacaabay magaciisuna yahay Fahad yaasiin Xaaji Daahir oo Adeegsanaya Qaar Kamida Ciidanka madaxtooyadu  Amar Ku Bixiyey In laga Saaro Hoyga uu ka Degan Yahay Qasriga Madaxtooyada Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Oo Xilal Culculus Kasoo Qabtay Qaranka Somalia, Waxaana Ciidankaasi Weerar madaxtooyada Dhexdeeda Ah Ku Qaadeen Hoyga Xildhibaanka Ka Deganyahay Gudaha Madaxtooyada, Waxaaana halkaasi Ka dhacay in iyaguna Ay Iska Caabiyaan Ilaalada Gaarka ah ee Xildhibaanka Oo Diiday In Ay Gudaha U galaan Guriga Xildhibaanka.

Hadaba Dhacdada Noocan Oo ah Ku Cusub in Ay hore uga Dhacdo Qasriga Madaxtooyada Somalia Ayaa timid kadib markii Dhawaan uun La Magacaabay Agaasimahan idman ee Gacanyaraha u ah madaxweyne farmaajo,

Waxaana Shaqsigan Agaasimaha ku magacaabani Ku Sifoobay  inuu Bulshada iyo masuuliyiinta Ay ka Midka yihiin Shaqaale hoosaadka Madaxtooyadu Kula dhaqmo Cunsuriyad  Nin Jeclaysi Ku Dhisan Qaraabo kiil iyo Qabyaalad waxaana uu kasoo jeedaa beesha Muruursade Balse Waxaa uu inta Badan Sheegtaa inuu ku Shaqaynayo Awooda Madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba ha Ahaatee Falka Noocan ah Ayaa haddii uu Sii Socodo noqonaya mid dib u Xasuusiya Masuuliyiinta iyo Bulshada Reer Somaliland  Cusuriyadii iyo Kala Qaybintii Bulshada Ay Kula kacday Dawladii Kalidii Taliyihii gumayste Maxamed Siyaad Bare oo Adeer Dhow u ah Madaxweynaha Wakhtigan Haya Talada Dalka Somalia Islamarkaana Ay Jufo hoose isku yihiin.

Arrimahan Ayaa Loo Aqoonsanayaa Haddii Aanu Si Degdega Talaabo uga Qaadin madaxweyne Farmaajo Ficilada Noocan Ah Kuwo lagu kala Qaybinayo Masuuliyiinta iyo Shacabka Somaliyeed oo Wadadeedii hayasa  burburkii iyo kacdoonadii Sababay in dhulka Lala Simo Dawaladii Gumayste Maxamed Siyaad Barre.