Xaaska Madaxweyne Erdogaan Oo Booqanaysa Muslimiinta Roohinja Iyo Diyaarado Cunto Iyo Dhar Sida Oo Uu Turkigu Dirayo,

Kalluun, Bariis iyo Dhar ayaa ka mid ah caawimada Turkiga

Hargeisa(GNN):-Marwada koowaad ee dalka Turkiga  Amiina Erdogaan ayaa arbacadii shalay booqatay xeryaha qaxoontiga Roohinja la dejiyey ee dalka Bangaladhesh. Xaaska madaxweyne Erdogaan waxa ay ka mid ahayd wafti ka kooban wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mawliid Jaawish Oglo, wasiirka arrimaha bulshada Faadima Batuul, Xildhibaan Rooda Qaawaqji oo xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta ugu jirta Baarlamanka, wiilka madaxweynuhu dhalay ee Bilaal Erdogaan iyo masuuliyiin tiro badan oo ka socda hay’adaha samofalka ee dalka Turkiga, kuwaas oo ay ugu horreyso wakaaladda TIKA ee caawimada dibadda uu Turkigu mariyo iyo agaasimaha guud ee hay’adda bisha cas ee Turkiga.

Booqashada ay xaaska madaxweyne Erdogaanku tagtay xeryaha qaxoontiga ayaa la xidhiidha qorshe la doonayo in lagu furo jid mucaawimo oo uu Turkigu gargaarka u mariyo muslimiinta Roohinja ee ka soo yaacaya dalkooda ay ku xasuuqeen Buudiyiinta ka tirada badan ee ay dalka wada leeyihiin iyo kuwa weli gudaha dalka ku barokacsan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in Marwada koowaad ay ka mid tahay hay’ad gargaar oo tegeysa xeryaha qaxoongtiga Rohinja ee dalka Bangaledhish.

Dhinaca kalana raysalwasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa waraysi uu siiyey talefishannada Turkiga salaasadii ku sheegay in madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan oo talefanka kala hadlay haweenayda hoggaamisa dalka Miyanmaar ay ka ogolaatay in wakaalada iskaashiga iyo caawimada dibadda u qaabilsan Turkiga ee Tika ay tagto gudaha dalka Miyanmaar. Arrintaas oo hay’addan samofal ee Turkiga ah ka dhigaysa hay’addii ugu horreysay ee shisheeye ah ee loo ogolaado in ay caawimo gaadhsiiso muslimiinta barokacayaasha ah iyo kuwa ku waxyeelloobay xasuuqan.

Turkiga ayaa qorshaynaya in diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah oo tiro badan uu caawimo ku gaadhsiiyo muslimiinta ku dhibaataysan gudaha Miyanmaar iyo kuwa u soo qaxay xeryaha Bangaladhesh. Caawimooyinka uu Turkigu diyaariyeyna waxaa ka mid ah bariis, kalluun la qallajiyey iyo dhar, iyada oo ay weli Turkiga iyo Miyanmaar u socdaan wada xaajood uu Turkigu ku dalbanayo in loo ogolaado in uu dawooyin iyo cawiimooyin kale oo lagama maarmaan ah dadkaas dhibaataysan gaadhsiiyo.

Ma’aha markii ugu horreysay ee afada madaxweyne Erdogaan ay booqato muslimiinta dalkooda lagu dhibaateeyo ee Miyanmaar (Burma), sannadkii 2012-ka ayaa ay sidan oo kale uga mid noqotay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey wasiirkii arrimaha dibadda Turkiga ee xilligaas Axmed Daa’uud Oglo, xilligaas oo muslimiinta lagula kacay xasuuqyo la mid ah kuwa hadda socda.

Madaxweyne Erdogaan ayaa xidhiidhka talefanka ee uu la sameeyey haweenayda lagu magacaabo Aung San Suu oo ah hoggaamiyaha dadban ee dalka waxa uu ka codsaday in la joojiyo xasuuqa muslimiinta deggen gobalka Arakan ee dalkaas. Isaga oo sheegay in dhibaatada lagu hayo dadka muslimiinta ahi ay xanuun ku hayso guud ahaan dunida iyo si gaar ah dalalka muslimka ah.