Sumcadii Mr. Farmaajo Ee Dhawr Bilood Ka Hor Oo Aad Hoos Ugu Dhacday Iyo Qalalaase Siyaasadeed Oo Kaga Abuurmay Xiisada Mr. Qalbi-Dhagax –

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa la baaxaa degaya culays siyaasadeed oo kaga yimid nin lagu magacaabo Cabdikariim Qalbi-dhagax oo ka tirsanaa jabhadda ONLF oo uu u dhiibay dawladda Itoobiya.

Dadweynaha reer Muqdisho ayaa dhiibista Mr. Qalbi-dhagax waxay kaga jawaabeen kacdoono siyaasadeed iyadoo magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dibad baxyo, sidoo kalena lagu qabtay shirar jaraa’id oo lagu cambaaraynayo go’aanka Mr. Farmaajo.

Sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa iyaguna dhinacooda ku jira is abaabul iyo diyaar garow la filayo inay kaga jawaabaan go’aanka uu Mr. Farmaajo ogolaaday.

Laba toddobaad ka dib ayay golaha wasiirada Somaliya shalay yeesheen shir aan caadi ahayn, waxaanay go’aan kaga soo saareen xiisadan gilgishay dawladooda, waxaanay sheegeen in dhiibistii Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood ee Itoobiya iyo Somaliya, waxaanay  Qalbi Dhagaxna ku eedaysay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Golaha wasiirada Somaliya ayaa doodooda waxay ku saleeyeen

  1. .Heshiis la saxeexay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxeexay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
  2. .Heshiis kale oo la saxeexay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Hase yeeshee labada wasiir ee lagu xusay heshiiskan ayaa iyaguna beeniyay inay saxeexeen heshiis noocaas ah. Mahad Salaad oo hore u ahaa wasiirkii madaxtooyada oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in heshiiska ay dowladda sheegtay uu ahaa mid beelo daris ah ay wada galeen oo kala degen xudduuda labada dhinac.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isna dowladda sheegtay in uu Itoobiya heshiis la saxeexday ayaa sheegay in in heshiiska ay wada saxeexdeen labo beelood, meelnana aanay kaga jirin in ONLF ay tahay urur argagixiso, iyo sidoo kale qodob ka hadlaya in eedeysanayaal la’isu wareejiyo.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu  habeen hore kulan la yeeshay raysalwasaarihiisa Mr. Xasan Khayre oo uu faray inuu qabto shirka deg dega ah ee golaha wasiirada ee shalay si ugu yaraan uu hadalkoodu u noqdo dhiig-joojin.

Warbixino ay warbaahinta Muqdisho baahisay ayaa tilmaamay in sumcadii uu Mr. Farmaajo ku lahaa Soomaaliya ay hoos aad ugu dhacday marka la eego bishii February ee la doortay oo qiyaasteeda lagu sheegay inay taageerada shacabku ahayd 100%, halka ay maantana marayso sida ay warbaahintu sheegtay 20%.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxa uu la baaxaa degayaa culays siyaasadeed oo dawladiisa soo food saaray kaas oo haddii uu sii socdo halis gelin kara maadaama oo abaabul laga dhex wado baarlamaanka Somaliya.