Dad Badan Oo Kamid Ah Ganacsatada Qaadka Oo Intooda Badani Ka Soo Jeedaan Somaliland Oo Shalay Lagu Laayay Magaalada Haawaday.

Raggan la laayay oo dhamaantood ahaa shaqaalihii ka shaqaynayay Maqsinada Qaadka ee magaalada Haawaday ee Qaadka looga soo diro dhinaca Somaliland ayaa shalay iyaga oo shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa ku jira ayaa waxa si kadis maqsinadii Qaadka ee ay ku shaqaynayeen ugu soo galay boqolaal Qof oo Qoomiyadda Oromada ah,kuwaas oo la sheegay inay ka biyo diidsanaayeen taageero la sheegay in Qoomiyadda Somalida ee ku dhex nool Itoobiya ay taageertay hawl gallo ay dawladu kaga hortagaysay Kacdoonadii Oromada ee sanadkii hore dhamaadkiisii ka dhacay dalka Itoobiya,ayaa markii ay dadkan Oromada ah ee gadoodsani ay galeen Maqsinadii waxay rasaas la dhaceen raggii Qaad-waleyaasha ahaa ee maqsinada ku sugnaa,qaarkoodna ay Majooyin ay siteen qudha kaga jareen,halka ay qaar kalena kasoo tuureen dabaqyo ay ku jireen.Wargeyska Himilo oo xalay la xidhiidhay magaalada Haawaday ayaa loo sheegay in gabi ahaanba maqsinadii Qaadka ee Haawaday albaabada loo laabay oo aanay shaqaynayn kadib markii shaqaalihii Qaadka ee dhagartaa ka badbaaday ay nafahooda ula carareen dhinaca magaalada Herer,waxaana la sheegay in wakhti xaadirkan ku jiran dadkaasi Somalida ah xero ciidan oo halkaasi ku taala isla markaana ay badbaado bideen.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa keentay in ganacsatadii Qaadka ee ku sugan SOmaliland sida Caasimada Hargeysa inay waayaan cid ay ku hagaajiyaan Lacagtii Qaadka ee ay diri jireen.

Dadkan la laayay ayaa waxay iskugu jiraan Kaariyiin,Khasnajiyo,Darawaliin,Iibiyayaal Qaad,Raaciga Qaadka iyo shaqaale hoosaad kale,sidaas awgeed Wargeyska Himilo waxa uu halkan idinku soo gudbinayaa allah haw naxariistee magacyada Lix qof oo kamid ah 17-kii qof ee lagu laayay magaalada Haawaday isla markaana ay laayeen qoomiyadda Oromadu waxaana ay kala yihiin.

Cabdiqaadir Aadan Xuseen, Cismaan Cawdal, Guuleed Hambase, Cabdilaahi Fadhaase, nin naanaystiisa naloogu sheegay ( Aan is dilno) iyo Axmed Faraqe,waxaana allah haw-naxariistee kamid ahaayeen dadkii lagu laayay Haawaday ee ay laayeen qoomiyada Oromadu.