Dadkii Soomalida Ahaa ee Ay Laysay Oromadu Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Jigjiga

Waxaana dadkan maanta aaska Qaran loo sameeyey ay tiradoodu dhamayd 28 qof sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Aas kan Qaran ayaa waxaa ka soo qaybgaley Masuuliyiinta Ugu Sareysa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan.

Dadkan tiradoodu dhan tahay 28 qof ee maanta aaska qaran loo sameeyey ayaa ahaa dadkii Somalida ahaa ee laba cisho ka hor ay qoomiyadda Oromadu ku laysay deegaanka Haawaday ee dalka Itoobiya,waxaana ay dadkani ahaayeen ganacsato ka ganacsata Qaadka,waxaanay badidoodu kasoo jeedeen Somaliland.