Faah-faahin: Qaraxyo Khasaare Gaystay oo Ka Dhacay Af-urur Oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

Duhurnimadii maanta ayaa labo qarax waaweyn  lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Puntland iyo dad shacab ah oo ku sugnaa  tuuladda Af-urur ee gobolka Sanaag, waxaana ka dhashay qaraxyadaasi dhimasho iyo dhaawac.

Qarax kowaad ayaa ka dhacay goob lagu iibiyo qaadka oo ku taala tuuladda Af-urur, halkaasi ay isugu urureen ciidamo iyo dad shacab ah oo doonayay inay iibsadaan qaad, ka dibna qarixii labaad ayaa isla goobta ka dhacay markii askar iyo dad gurmad ah ay soo gaareen goobta si ay u caawiyaan dadka dhawacmay.

Agaasimaha Cusbitaalka Bilcil ee magaaladda Carmo C/qaadir C/laahi Bilcil oo la keenay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay in 35 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba la keenay cusbitaalka, oo qaarkoodna uu dhaawacoodu uu halis yahay. Waxaa kaloo uu sheegay inuu arkay 4 qof oo mayd ah oo saaran baabuur.

“35 Qof oo dhaawac culus ah gacantayda ayaan ku dejiyay, qaarkood dhaawacyo halis ah ayay ka qabaan caloolsha, gacmaha iyo lugaha ayaa qaarkood dhaawacyo ka soo gaareen., 4 qof ayaa ugu daran oo aanan waxba ka qaban karin” ayuu yiri Agaasimaha Cusbitaalka Carmo

Wuxuu sheegay in dhaawacyada la keenay ay dhamaantood yihiin rag ka tirsan ciidamada iyo dadka rayid ah, waxaa kaloo uu xusay in dhaawacyada qaarkood looga soo tegay degaanka af-urur. Waxaana uu ka codsaday Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda caafimaadka Puntland inay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka dhaawac ah.

Dhinac kale, Warar kale oo soo gaaray Horseedmedia ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qaraxyadaasi ay kor  u dhaafayaan 10 qof, halka dadka ku dhaawacmayna ay gaarayaan ilaa 50 qof oo isugu jira askar iyo dadka shacab ah.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxyada khasaaraha gaystay, hase yeeshee Ururka Al-shabaab ayaa 8deedii  bishii Jun, weerar abaabulan oo  gaadmo ah oo ay ku qaadeen Saldhiga ciidamadda Puntland  ee af-urur waxay ku dileen in ka badan 60 Askari, tiro kalena waa ku dhaawaceen.