Sideed gabdhood oo ku geeriyoodey dab ka kacay iskool ku yaala Kenya.

Ugu yaraan sideed gabdhood oo yaryar ayaa ku geeriyooday dab ka kacay qaybta hurdada ee Iskool caalami ah oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu yaraan toban gabdhood oo kale ayaa ku dhaawacmey.

Sababta dabkan ayaan la ogeyn, Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqdey in ay baaritaan kus amayneyso waxa dabka keenay.

Wasiirka Waxbarashada ee Kenya ayaa sheegay in laba kamid ah 10 qof ee dhaawaca ah xaaladoodu aad u daran tahay.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegaysa in la diiwaan geliyey 10 ardey oo aan lahayn raq iyo ruux

Sanadkii 2016 ayaa Iskoolo dhaw r ah dab ka kaceen, Booliskuw axay baarayaan in dabkii dhici jirey 2016 uu xiriir la lee yahay dabkan.