Haweeyney Soomaaliyeed oo lagu rasaaseeyay gobolka Ohio ee dalka Mareykanka

 Wararka ka imanaya magaalada Columbus ee gobolka Ohio dalka Mareykanka ayaa sheegaya in la dhaawacay Haweeney Soomaaliyeed, kaddib markii rasaas lagu furay.

Nin cadaan ah oo watay gaari ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay Haweeneydan xili sida la sheegay ay ka soo baxday goobteeda shaqo.

Rasaasta lagu furay ayaa la sheegay in uu ka soo gaaray dhaawac, waxaana hadda lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla Columbus halkaasi oo ay ku booqdeen Soomaali badan oo ay ka mid yihiin dad ay Qaraabo dhow yihiin.

Haweeneydan oo ilaa iyo hadda aan magaceeda helin ayaa waxaa qeybaha dhexe ee jirkeeda ka soo gaaray dhaawac culus, inkastoo hada dhaqaatiirta ay wadaan samata bixinta dhaawaceeda.

Lama oga sababta Ninka Mareykanka uu u bartilmaameesaday haweeneydan Soomaaliyeed,  hasse ahatee ma’aha dhacdadii ugu horeysay ee sidan oo kale qof Soomaali ah lagu wax yeeleeyo gudaha gobolka Ohio.