Murrashaxa KULMIYE oo Kulan Su’aalo iyo Jawaabo ah La Yeeshay Hablaha Aqoonyahanka ah ee Reer Awdal.

Borama(GNN):-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kullan ballaadhan oo su’aalo, jawaabo iyo is-xogwaraysi isugu jira la qaatay hablaha aqoonyahanka ah ee kasoo jeeda guud ahaanba gobolka Awdal.

21232118_467618810268510_8469687284827848182_n
Kulankan oo caawa lagu qabtay Hutel Saw ee magaalada Boorama, ayaa waxa guddoomiyaha ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, siyaasiyiin sarsare oo xisbiga KULMIYE katirsan, kuwaas oo ay kamid yihiin Axmed Muumin Seed, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Jamaal Cali Xuseen, Cabdilaahi Geeljire, Mustafe Xuddur, marwo Luul Xasan Mataan, hoggaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, madaxda xisbiga ee gobolka Awdal iyo boqolaal katirsan hablaha aqoonyahanka ah ee kasoo jeeda gobolka Awdal, waxana si furan la isaga xog-waraystay siyaasadaha iyo qorsheyaasha xisbiga KULMIYE, iyaga oo bahda hablaha aqoonyahanka reer Awdal ee madasha ku sugnaana ka sinnaayeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Ka hor intii aanay hablaha aqoonyahanka ahi murrashaxa KULMIYE weydiinin su’aalaha ay ka qabaan arrimaha xisbiga, waxana madasha hadallo kooban oo ay ku muujinayaan taageerada ay xisbiga KULMIYE u hayaan ka jeediyey xubno kamid kamid ah hablaha, waxana ay sheegeen inay taageera buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisaba.
Xubno siyaasiyiin ah oo ay kamid yihiin Jamaal Cali Xuseen, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qorsheyaasha xisbiga KULMIYE uu ka leeyahay haweenka reer Somaliland iyo sida uu diyaarka ugu yahay inuu qayb laxaad leh ka siiyo xilalka xukuumadda uu xisbigu dhisi doono haddii uu talada dalka mar labaad ku guulaysto.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa isaguna tilmaamay inuu xisbiga KULMIYE horeba haweenka door laxaad leh u siiyey, mustaqbalka dhawna uu qorsheyaal cadcad ka leeyahay.

21232119_467616606935397_8254350989222091864_n 21317528_467616873602037_8724231018387561912_n
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal nuxurkiisu ahaa qorshaha xisbiga ee haweenka u jeediyey hablaha aqoonyahanka ah ee reer Awdal, ayaa sheegay inay xisbi ahaan muhiimad gaar ah siinayaan haweenka reer Somaliland, isla markaana ay garwaaqsan yihiin cududda codeed iyo midda aqooneed ee ku duugan haweenka.
Ugu dambayntiina bahda hablaha aqoonyahanka ee reer Awdal, ayaa su’aalo dhinaco badan taabanaya weydiiyey murrashax Muuse Biixi Cabdi, kaas oo si saraaxad leh uga jawaabay.

21317730_467616596935398_8016432339164800573_n 21271193_467616900268701_5887760673997987664_n 21231654_467616870268704_5534954675122543288_n