Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda oo Sheegay Inay Nabarro ku Dhufteen Koox Siyaasi Duur soo Abaabulay

Hargeisa(GNN):-Maareeye ku-xigeenka Madbacadda Qaranka, Maxamed  Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa ka  sheegay in koox dhallinyaro ah oo uu soo abaabulay siyaasi Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ay habeen saddexdaadkii soo weerareen isla markaana nabarro ku dhufteen isagoo ku sugan Huteelka Maamuus ee bariga caasimada Hargeysa. Waxaanu tilmaamay inuu wax ka qabo garabka iyo luqunta.

“Waxa aan gelinkii danbe ee Arbacadii  balan shakhsi ah ku lahaa Hudheelka Maamuus ee magaalada Hargeysa, haddaba aniga oo salaadii casar kadib fadhiya qaybta gudaha ee Hudheelka maamuus ayaan mar qudha  ku war helay   Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale  (Duur) oo i dultaagan,  una muuqday nin u soo diyaar garoobay inuu ila dagaalamo waxaanu igu aflagaadeeyay goobtii aan fadhiyay isaga oo weedhihii uu ku tiraabayay ay ka mid ahaayeen ‘Banaanka inoo saar iyo haddii aad badbaadid.’ intaasi kadib waxaan ugu jawaabay si degan aniga oo xeerinaya masuuliyada qaran ee i saaran,”ayuu yidhi Maareeye ku-xigeenka madbacadda qaranka oo u waramay Wargeyska Dawan.

Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan oo ka hadlayey dhacdadan iyo hanjaad ka horeysay waxa uu yidhi; “Kadib waxaan arrintaas ku wargaliyey maamulka Hudheelka. iyada oo arrintu halkaas marayso oo uu isaguna Duur meel kale oo hudheelka ka mid ah fadhiistay ayaa salaadii maqrib naloo addimay kadib waxaan ku tukanay musaajidka Hudheelka ka danbeeya aniga oo markii salaada aan ka soo baxay ku soo noqday hudheelkii oo aan balamo ku lahaa, dabeeto markaan hor marayo hoolka xafladaha lagu qabto ayaan ku war helay isaga oo leh waar maxaad naga soo eegaysaa taas oo aan u fahmay markan danbe fariin dagaal kadib hore ayaan isaga dhaafay aniga oo layaaban hore ayaanan iskaga sii socday.”

“Waxaan mar qudha  xaga danbe igaga yimid weerar waddareed gaadmo ah oo uu horkacayo siyaasi Duur, ka dib waxay igu dhufteen oo ay ii geysteen   nabarro  iyaga oo markiiba si degdeg ah gaadhi ugu baxsaday. waxaana dadkii hudheelka joogay ii caddeeyeen in ragga nabarrada i gaadhsiiyay uu ku jiray wiil uu dhalay siyaasi  Duur,”ayuu yidhi Maareeye ku-xigeenku. Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Runtii waxa dhici lahaa dhibaato badan waayo dhallinyaro ka soo jeeda degaankayga ayaa cid u sheegtayba goobta soo gaadhay iyaga oo khasaare badan gaysan lahaa, ayaan ku guntaday waxaanan ku idhi oo aan ku qanciyay maadaama oo aan ahay  masuul qaran weerarka la igu qaaday iyo nabarrada la igu dhuftay  caddaaladda iyo sharciga waddanka u yaalla ayaan u daba fadhiisanayaa oo xaqayga ii goyn doona ee ila naawila oo fawdo yaynaan marnaba ku falcelinin.”

Maareeye ku xigeenku  waxa uu noo caddeeyay inuu isla markiiba  hay’addaha amniga ku wargaliyey kiiskan  oo uu ku eedeeyay inuu soo abaabulay siyaasi Duur oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Geesta kalena Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan, ayaanay noo suurtogelin kadib markii uu naga qaban waayay telefoonka gacanta  oo aanu ka wacnay.