Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Hadalkii Trump Kuna Tilmaamay ”Ey Ciyey”

Khudbadiisi u horeysey ee Donald Trump ka jeediyeo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayuu ugu yeeray hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un  naaneysta ah “Rocket man”, waxaana uu ku hanjabey in uu burburin doono Kuuriyada Waqooyi oo dhan.  Kuuriyada Waqooyi ayaa ka jawaabtey hadalkii Donald Trump waxaana ay ku tilmaameen “Ey  iska ciyey” in uu yahay, sida uu yiri Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Waqooyi, oo la hadley Wargeyska The Independent.

Wasiirka Difaaca ee Kuuriyada Waqooyi

Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho oo faallo kooban ka bixiyey khudbadii Donald Trump uu ka jeediyey shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ee sanadkiiba mar dhaca ayaa yiri.

– Waan ka xumahay xitaa kuwa isaga u shaqeeya, waxaa jirta maah-maah oranaysa,  markii eygu qayliyo bandhiggu waa sii socon, haddii uu u malaynaayo in qayladiisa iyo cidiisa sida Eyga ah uu nagu cabsi gelin karo, taasi waa riyada eyga oo kale ayuu yiri Ri Yong

Maalinta berri ah ee Jimacada ayaa lagu wadaa in Wasiirka Gaashaandhigga ee Kuuriyada Waqooyti uu ka hadlo fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.