Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Oo Khudbad U Jeediyey Arday Ka Qalinjabisay Jaamacada Camuud, Balan Qaadayna Dhismaha Dayrka Jaamacada.

Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani, Ambassador Maxamed Cali Cabdi ayaa khudbad qiimo leh oo uu u jeediyey Arday ka qalinjabisay Jaamacada Camuud ee magaalada Boorama, waxa uu kaga hadlay qiimaha ay leedahay Waxbarashadu iyo inay tahay waxa kaliya ee soo celisa wax ka badan maalgashiga lagu sameeya.
Ambassador Maxamed Cali Cabdi, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani ayaa sidoo ka hadlay qiimaha ay jaamacad u leedahay dhulka ay ku fadhido jaamacadu iyo ilaalintiisuba, sidaa darteedna waxa uu xisbi Waddani ahaan uu balan qaaday in 2Km oo ka mid ah dayr lagu wareejiyo Jaamacada Camuud uu xisbigoodu kaga qayb qaadan doono.
Musharax Maxamed Cali Cabdi oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Jaamacada Camuud waxaan ku bogaadinayaa horumarka ay gaadhay, Jaamacada sida uu Professor-ku sheegay waa saddex qaybood jaamacad kastaa, Waa dadka Maamulaya, Waa Dadka wax ka baranaya, Waa dhulka ay leedahay.
Guud ahaan Somaliland dawladd iyo shacabba, gaar ahaan gobolka Awdal siiba degmada Boorama dadweynaha ku nool waxaan ka codsanayaa in la ilaaliyo dhulka jaamacada sababtoo ah maamulku wuu isbadali tanaa tagi oo mid kale ayaa iman oo waa la badali balse ardaydu dhamaan mayso, laakiin haday dhulkeeda waydo jaamacadu jiri mayso ka xisbi ahaana waxaan leeyahay darbiga jaamacada lagu wareejinayo hadii aan lagu wareejin maalinba meel ayay cidi goosani. Darbigaana ka xisbi ahaan waxaan balanqaadaynaa in aanu doorano oo 2Km aanu darbigaasi dhisno hadii alle yidhaahdo.
Waxaan usoo noqonayaa qoladan aynu halkan u wada nimid ee qalinjabiyeyaasha, waxa aynu wada ognahay oo daraasado lagu wada kalsoon yahay ay sameeyeen in maalgashi la sameeyo (investment) ka ugu macaash badani uu yahay waxbarashada.
Waxa la qiyaasaa hal dollar oo waxbarashada la galiyaa inuu soo saaro toban dollar, halka meheradaha kale ee business-ku ka midka yahay halka dollar ee la galiyaa kuwa ugu macaasha badan ay soo saaro saddex dollar, qoyskaaga inaad wax ku soo celiso ayaa ku sugaysa, qarankaaga inaad dhisto ayaa ku sugaysa, adigay kuu taalaa gabdho iyo wiilalba, bilaash wax la idiinma barin, bilaash la idiinkuma tabcin, waxbaa la idinka sugayaa.
Madaxweyne ka mid ah Madaxweyneyaasha Ivory Coast ayaa yidhi ‘Waxbaanu idin barnay, waxaanu wax idinku barnay, islaanta suuqa joogta ee tamaandhada iibinaysa ee bacadka fadhida cashuurta aanu ka qaadnay’.
Hadaad shahaadad qaadateen ha sugina in iyaga cashuurta lagu kordhiyo si shaqo la idiin siiyo, ka digtoonaada, darbi joog ha noqonina, wakhtiga dayac ha ku luminina, idinkaa la idinka rabaa in aad shaqo wadataan, wadanku wuu buuxaa wuu dihin yahay, wuu cusub yahay sidii hore loo sheegay, laakiin hadaad darbi fadhiisataan oo dawlada aad wax ka sugtaan, marka dambe maxaydun ku dambayn, iyo inadun tidhaahdaan waan tahriibayaa idinkoo intaas oo dhan la idinku tabcayey.
Waa wakhti dambe, waxaan aad ugu hambalyeynayaa qalinjabiyeyaasha, waxaan u rajaynayaa in illaahay wixii aydun barateen idinku anfaco, waalidkiin aad wax ku soo celisaan, waxaan idiinku hambalyeynayaa waalidiintii idinku soo tacabtay, gaar ahaan hooyooyinka aynu garanayno duruufaha kala gadisan ee ay ku sugan yihiin, hadana wax idinku baray, ubadkaa intooda badan.” Ayuu yidhi Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani Ambassador Maxamed Cali Cabdi.