Roobab laxaad leh oo ka da’ay Gobolka Awdal Sababayna Khasaare Nafeed iyo Mid Maalba.

Roobab laxaad leh ayaa ka da’ay gobolka Awdal kaas oo khasaaro nafeed dhaliyey. Roobabkii Dayrta oo ka curtey gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland ayaa wararku sheegayaan in biyaha roobabku ay la tageen dhawr qof.

Ku xigeenka Barasaabka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal ayaa VOA u sheegay in degmada Baki ay ku geeriyoodeen laba qof, sidoo kale saddex qof ayaa isla deegaankaas waxaa ku dhacay danab, hal qof ayaa geeriyoodey labada kalena waa dhaawac, dooxa Camuud ayuu sheegay in gaari biyo kula tageen, waxaana ku geeriyooday laba qof.

Ku xigeenka Gobolka Awdal ayaa sheegay in dhimashada ay diiwaan geliyeen ay tahay shan qof iyo laba dhaawac ah.

Marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee roobku geystey ayaa si weyn loogu diirsadey curashada roobabka dayrta ee da’ay maalintii Khamiista.