Halkan Ka Daawo-Murrashaxa Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Xafiisyo Cusub oo Xisbiga KULMIYE ka Furtay Gabiley

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray saddex xafiis oo uu xisbiga KULMIYE ku yeelan doono gudaha magaalada Gabiley, kuwaasi oo ay haweenka xisbiga ee gobolka Gabiley iskood u kirasyteen, islamarkaana si heersare ah u qalabeeyeen.
Dhammaanba xafiisyada cusub ee murrashax Muuse Biixi Cabdi xadhigga ka jaray maanta waxa soo buux-dhaafiyey taageerayaal laxaad leh oo uu xisbigu ku leeyahay magaalada Gabiley, cuqaal, waxgarad iyo aqoonyahan kale, kuwaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashiisa Md. Muuse Biix Cabdi.
Munaasibad kooban oo lagu qabtay mid kamid ah xafiisyada uu murrashaxu xadhigga ka jaray, ayaa waxa kusoo dhaweeyey taageeryaal tiro badan, wasiirro, xildhibaanno iyo maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Gabiley, siyaasiyiin oo ay hormuud u yihiin salaadiinta ugu magaca dheer gobolka, waxana halkaas halkaas laga jeediyey hadallo ku saabsan dedaalka ay taageerayaasha haweenka ah ee KULMIYE ee gobolka Gabiley ugu jiraan sidii uu xisbigu guul laxaadleh uga soo hoyn lahaa doorashooyinka soo socda.
Siyaasiyiin ay kamid yihiin maayarka Gabiley Md. Maxamed Ammiin Cumar Cabdi iyo Abiib Xasan Filfil, Ambassador Axmed Xasan Cigaal iyo xildhibaan Saleeyaan Yuusuf Cali Koore oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Gabiley iskood u furteen xafiisyada cusub ee haatan xadhigga laga jarayo, waxana ay madasha ka shaaciyeen Baabuur noociisu Seeraf yahay oo ay haweenka xisbiga ee Gabiley ugu deeqeen si uu hawlihiisa olole ugu fushado.
Suldaan Xuseen Muuse Aw Cirday oo kamid ah salaadiinta miisaanka leh ee gobolka Gabiley oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si ballaadhan uga mahadnaqay haweenka taageerayaasha ah ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay gobolka Gabiley, kuwaas oo xawaare dheeraynaya ku wada hawlaha xisbiga ee Gobolka.
Xubno kamid ah haweenka KULMIYE ee gobolka Gabiley, ayaa iyaguna shaaciyey inay haween ahaan ka go’antahay inay si iskood ah isu abaabulaan, isla markaana qaybtooda ka qaataan halganka xisbigu ugu sidii uu guul taariikhi ah uga soo hoyn lahaa hawlaha doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay haweenka xisbiga ee Gobolka Gabiley iyo taageerayaasha kale ee ku dhiirraday inay hawlaha xafiisyada cusub, qalabayntooda iyo Baabuurkaba ku garab galaan xisbiga, waxana uu sheegay inuu si dhaw ula socda dedaalka haweenka ee dhismaha xisbiga.
Ugu dambayntii murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaado-sharaf guddoonsiiyey haweenka xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley, taas oo ka marag ah kartida iyo dedaalka muuqda iyo weliba doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan dardargelinta hawlaha xisbiga.