Shacabka Degmada Faro-weyne oo Soo Dhaweyn Wacdaro Wadata ku Qaabiley Murrashax Muuse Biixi Iyo Wefti uu Hoggaaminayo+Sawirro hordhac ah

Hargeisa(GNN):-Shacabweynaha ku dhaqan degmada Faro-weyne ee gobolka Maroodijeex, ayaa soo la yaab leh oo aan loo kala hadhin ku qaabiley wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo safarro shaqo ku maraya deegaanno galbeedka dalka kamid ah.
Kumanaan shacabka degmada ah oo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo sawirrada murrashaxiinta xisbiga, ayaa iyaga wata boqolaal gaadiid ah goob magaalada ka baxsan kaga hortegay murrashaxa iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin, wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, xubno hoggaanka xisbiga katirsan, haween iyo dhallinyaro, waxana loo gelibiyey goob fagaare ah oo si faraxsannimo leh oo qurxiyey, taas oo ay weftigu kala hadleen shacabkii soo dhaweeyey.
Soo Dhaweynta ay bulshada degmada Faro-weyne ku qaabishay guddoomiyaha oo ahayd mid si weyn indhaha usoo jiidatay, ayaa waxa hormood ka ahaa cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, haweenka, haldoorka iyo aqoonyahanka degmada oo ay wehelinayaan maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada, waxana hadallo shacabka soo dhaweynta wacdaraha wadatay loogu mahadnaqay halkaas ka jeediyey xubno weftiga iyo dadka deegaankaaba isugu jira.
Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmada Faro-weyne oo ugu horrayn madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa murrashaxa iyo weftigiisa uga mahadceliyey booqashada shaqo ee ay halkaas ku tageen, waxana ay shaaca ka qaadeen in dhammaanba bulshada degmadu ka siman tahay taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

21430527_469368743426850_5262651152503732507_n 21462228_469367806760277_5484156844982559754_n 21462912_469367913426933_2136523990001862549_n 21557692_469368746760183_2258194913652049830_n
Siyaasiyiyiin miisaan ku leh xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Xuseen Aadan Cadde, Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdicasiis Maxamed Samaale, maayarka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, Badhasaabka gobolka Togdheer Md. Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug, Cali Cumar Guuleed iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyey isu soo baxdayda iyo soo dhaweynta xammaasadda leh ee shacabka degmada Faro-weyne ku qaabileen murrashaxa iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay shacabka ku dhiirriyeen inay xil weyn iska saaraan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen xisbiga waqtiga cod-bixinta la gaadho.

21557514_469370856759972_497567289225767443_n 21463298_469370673426657_4164781203492002732_n 21462459_469370240093367_3878549939430590394_n 21433123_469370680093323_7355256769102557464_n 21430581_469370710093320_3507923156148440292_n 21370985_469369860093405_6857474646975932586_n 21370972_469369886760069_4504481472822737939_n 21369380_469370246760033_8915994072472347586_n
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna khudbad kooban u jeediyey shacabka degmada Faro-weyne, ayaa bogaadiyey soo dhaweynta gacaltooyo ee ay ku qaabileen, waxana uu kula dardaarmay inay taageeradooda muujiyaan maalinta codbixinta la gaadho.