Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Madaxwaynaha Somaliland Kulan Kala Yeeshay Shaqadii Laga Joojiyay.

Hargeisa(GNN):-Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Cabdi shiine ayaa sheegay inuu kulan la qaatay madaxwaynaha Somaliland oo ku saabsan shaqo joojintii uu madaxwayne ku xigeenkii ku sameeyay wakhtigii uu dalka ka maqnaa madaxwaynaha Somaliland.

Mustafe Cabdi SHiine ayaa sheegay inuu sugayo talaabadda uu qaado madaxwaynaha Somaliland Ee Ama xilka lagaga qaadayo oo dib loogu soo celinayo badhasaabkii uu ka ahaa gobolka awdal waxaana uu yidhi.

Intaas waxa uu ku daray badhasaabkii gobolka awdal Mustafe Cabdi shiine isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Hortu badhasaabku waa siyaasi waana wakiil madaxwayne doorashiid 2010kii anigu waxaan ahaa guddoomiye ku xigeenka kaambaynka ee dhanka ololaha doorashadda oon xisbiga u qaabilsanaa gobolka sanaag ,markaas aniga oo xisbiga kulmiye ah ayaa lay magacaabay walina xisbiga kulmiye ayaan ahay inaan xisbiga u shaqeeyana cid ii diidaysaa majirto.“Anigu madaxwaynaha waanu is aragnay imikana waxaanu sugaynaa talaabadda uu qaado madaxwaynahu,xisbiga kulmiye markii uu gabolka marayay waa markii aan kasoo maqnaa waxaana weeyi intii uu shaqadda iga joojiyay madaxwayne ku xigeenku,waxaanan leeyahay aniga iyo xisbigayga khilaaf nadhex

mari karaana majiro hadii markaas madashii layga waayay waxaan ku maqnaa shaqo joojintii madaxwayne ku xigeenka igu sameeyay.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo  la hadlay Star Tv

Dhinaca kale badhasaabka gobolka awdal mustafe Cabdi shiine waxa uu sheegay in xisbiga waddani uu markasta sameeyo olole kaambayn oon sharci ahayn,waxaana uu xisbiga kulmiye ka difaacay eedo uga yimid oo ku saabsan inuu xisbigu samaynayo olole aan wakhtigiisii la gaadhin.