TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle hawnaxariistee Marxuum Xasan Cabdi Khayre oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 09/09/2017, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan, siyaasi, waayeel, waayo aragnimo iyo takhasus u lahaa arrimaha ciidamada gaar ahaan booliska iyo asluubta, isagoo ka mid ahaa saraakiishii ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii Ciidamada Booliska iyo Asluubta Somaliland ilaa wakhtiyadii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, iyadoo uu marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeye ee dalka, xilkii ugu danbeeyeyna waxa uu ahaa Wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidanka qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka  bu h siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

09/09/2017

TACSI MADAXWEYNE