Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Yurub, Ujeedooyinka Safarkaasi, iyo Kulamo Ay Bulshada Reer Slnd La Yeelan Doonaan.

Hargeisa(GNN):-Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Sh Muxumed Oo Ay Wehelinayaan Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Kana Mid Yahay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,Asxaabta Qaranka iyo Saraakiil kale Ayaa Safar gaara ugu Ambabaxay Qaarada Yurub Gaar Ahaan Waqooyiga Yurub, Waxaana Ujeedada Safarkani Tahay Sidii Shacabka Somaliland ee Ku Dhaqan Qaarada Yurub Ay Kulamo Xog-waraysi Ah ula Yeelan Lahaayeen, Waxaana Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Subaxnimadii Hore Ee Saaka Waftiga Uu Hogaaminayo Suldaanku Garoonka Diyaaradaha Caasimada Sweden Ee Stockhom,

IMG-20170929-WA0001 IMG-20170929-WA0002 IMG-20170929-WA0003 IMG-20170929-WA0004 IMG-20170929-WA0005 IMG-20170929-WA0006 IMG-20170929-WA0002 - Copy

Kulamada Kala Duwan Ee Waftigani La Yeelan Doonaan Shacabka Qurbejoogta reer Somaliland ee Ku kala Nool Qaarada Yurub Ayaa ah Kuwo Suldaanka iyo Waftiga la Socdaa ugaga xogwarami Doonaan Shacabka Reer Somaliland ee Ku Maqan Dalka Dibediisa Ulana Socodsiin Lahaayeen Xaalada Dalku Marayo iyo sidii loo horumarin lahaa shaqsi kasta oo reer Somaliland ahina uga shaqayn lahaa Qadiyada Qaranimada Somaliland jiritaankeeda.

Waxaana Ujeedada Waftigan Uu Hogaaminayo Suldaan ismaacill Suldaan C/raxmaan uu yahay mid ku Qotoma Sidii Shacabka Reer Somaliland oo Dalka Ka Maqan loo Dareensiin lahaa Xaalada Guud ee dalku Marayo iyo Sidii loosii Xoojin lahaa Kaalintii Horumarineed Ee Muwaadiniinta Qurbejoogta ahi ku Lahaayeen dalka usii Libin laabi lahaayeen.

Waftigan Ayaa Socodaal Qaadan Doona Maalmo kooban Kulamo Kala Duwan Kula Yeelan Doona Qurbejoogta Somaliland waqooyiga qaarada yurub.

Inta La Ogyahay Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Muxumed Oo Ka Mida Bahda Dhaqanka reer Somaliland Ayaa Door Laxaad Leh Kasoo Qaatay Nabadayntii Qarankan Somaliland isagoo suldaanku si gaara ugu suntan Dhexdhexaadinta iyo ka Shaqaynta Colaado kala duwan oo soo dhexmaray qaar kamida beelaha Somaliland, Waxaa sidoo kale suldaanku uu ka shaqeeyey Wakhti laga Joogo billo ka hor inuu Gog-gol isugu keenay Musharaxiinta labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani Oo Xafiiltanka Hirdanka Ololaha Doorashadu Sababay in Hadalo Xanaf leh ay isu mariyeen warbaahinta taas oo uu suldaanku u arkay in ay kala fogayn karto jiritaanka iyo wada noolaanshaha shacabka reer Somaliland.

Isku Soo Duuduuboo Suldaanka Ayaa Lagu Xasuusan Doonaa Xalinta Khilaafaad Faro badan Oo Ay kamid Yihiin Asxaabta Qaranku Doorkii uu ka ciyaaray iyo sidii Uu u Afjaray Mushkiladahaasi.

 Hargeisa Somaliland 

Gabiley News Network