Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo Burco Kulan Ugu Sameeyey Casho Sharaf Weftigii Murashax Cirro + SAWIRO

Burco(GNN)-Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee ku nool magaalada Burco, ayaa ka dib soo dhaweyntii ballaadhneyd ee ay shalay u sameeyeen weftigii uu hoggaaminaayey Murashax Cirro, waxa ay sida oo kale na ay habeenkii xalay ahaa u sameeyeen kulan-weyne ballaadhan oo ay casho sharafeed ugu sameynaayeen weftigaasi.

Kulankan oo ka dhacay hotel Kaafi ee Burco, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka, Hoggaamiyaha Xisbiga iyo weli ba sida oo kale madaxda Xisbiga ee heer qaran iyo heer gobal.
IMG_3298IMG_3299IMG_3300IMG_3301IMG_3302IMG_3303IMG_3304IMG_3305IMG_3306IMG_3307IMG_3308IMG_3309IMG_3310IMG_3311