Gudoomiye Ku Xigeenka G.Buuhoodle Oo Si Adag uga Hadlay Lacago Faalso Ah Oo Ganacsatada Buuhoodle Lagu Dhacay

Waxaa kaloo uu ka hadlay tallaabada ay xukuumaddu ka qaadanayso dhibaatada sicir bararka iyo lacagaha faalsada ah ee lagu qaatay hantidii ay iibinayeen ganacasada Buuhoodle.
“Ganacsiga degaanka gobolka Buuhoodle waxa curyaamiyay oo sabab u noqday in meheradaha la xidho oo ay waxba iibin waayaan dadka meheradaha waawayn lihi waxaa sababay dhibaato dhaqaale oo aanay xamili karayn oo soo food saartay taasoo ah wixii ay hanta haysteen waxaa lagu dhacay lacago faalso ah oo laga soo daabacday Muqdisho taasoo ah mid waraaqo ah oo aan meelnaba ka shaqayn oo Xamar iyo degaanno kale oo badan oo Soomaaliya ka mid ah lagu soo daabacday taasoo gobolka ganacsatadiisii ka dhigtay dad xashiish waxoogoo lagu qaatay oo faalso lagu caydheeyay taasina waxay sababtay in ay iska diidaan in ay qaataan oo ay wax ku iibiyaal lacagtaa been abuurka ah lacagta Somaliland-na si toos ah umay wada gaadhin markaa imika waxay ganacsatada gobolku diyaar u tahay in ay qaataan shillinka Somaliland oo ay helaan lagana bedelo giimbaarta lagu dhacay waxaa kale oo ay noloshoodii halis galisay dadkii aan ganacsiga waawayn aan lahayn ee nolol maalmeedka kala soo baxayay waxyaabaha yar yar sida qudaarta iyo iyo muqaaxiyaha shaaha oo kale ee wixii ay hayeen lacagta foojariga ah lagaga iibsaday isla markaana ay ganacsatadu ku diiday markaa arrintaas oo u raacday dadka abaartii ay xooluhu kaga bexeen ayaa hadda ka jirta taasna waxaa nooga qorshaysan in aanu ka gaadhno oo aan wax dambe lagaga dhicin dadkuna waxay diyaar u yihiin in ay wax ku iibiyaan lacagta Somaliland ka xukuumad ahaana way naga go’antahay in Buuhoodle dalka intiisa kale ay la mid noqoto oo lacagta qaranku ka shaqayso,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka oo xalay u warramay Wargeyska Dawan.

 

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay shir uu shalay ku dhawaaqay garaad ka mid ah madaxdhaqameedka Buuhoodle oo uu sheegay in lagu qabanayo Buuhoodle,waxaannu yidhi; “Horta madaxdhaqameedku waxay ahayd in ay shaqadooda ku ekaadaan oo arrimaha dhaqanka ay ka shaqeeyaan waxaana wax lala yaabo ah in madaxdhaqameed ka diiwaan gashan Somaliland oo lacag ka qaata in ay noqdaan dad loo adeegsado dhibaataynta iyo waxyeelaynta Somaliland oo Farmaajo iyo Cabdiwali Gaas ay adeegsadaan shirkaasina mid wax ka jiraan maaha waana shirqool Xamar laga soo abaabulay Buuhoodle iyo meel kale oo Somalland ah oo lagu qaban karaana ma jirto sababtoo ah buuhoodle waa Somaliland,Somaliland na waa Buuhoodle dadka reer Buuhoodlena waxaan leeyahay in badan ayaa wax aan dantiina ahayn la idin soo waariday oo la idinku dhibaateeyay maantana colaad,abaar iyo sicir bararka inna soo maray in wax kale la idiinku daro uma baahnidin waxaanan idin leeyahay danteenu waa Somaliland cid kasta oo Somaliland cadaw ku ahina waa cadawgeena waana in aynu sidaa u ogaana.

 

“Madaxdhaqameedka waxaan leeyahay haddaad shir beeshu qabsanayso oo dhaqan aad qabanaysaan waad qaban kartaan kaasoo la mid ah shirarka kale ee beelaha Somaliland ay qabsadaan laakiin wax shir siyaasadeed ah oo aad awood u leedihiin in aad qabataan ma jirto la idinka aqbali maayo beesha madaxdhaqameed ayaad u tihiin ee ku ekaada ama siyaasiyiin noqda oo duubka iska dhiga,shirka qudha ee sharciya ee ay beeshu tabashadeeda ka sheegan karto ee ay ka qayb-galayaan siyaasiyiinteedu waa shirka Caynaba loogu ballansan yahay ee ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Khaatumo mid kale oo lagu qaban karo deegaanka beesha oo la qabanayaana ma jiro,”ayuu yidhi Jaamac Dheeg Cartan.