War Deg-Deg Ah Dowlada Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Xaqiijisay in la Sumeeyey Qaadkii Ka Iman Jiray Beeraha Qoomiyada Oromia Dalka Ethiopia.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Ciyaaraha Ahna La Taliyaha Dhinaca Saxaafada Maxamed Bille ‘Miig ee Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Goordhawayd Khadka Telefoonka Ugu Waramayey Telefishanka Universal Ayaa Sheegay In Isku Dhacyadii Qoomiyada Oromada Oo Laayey Shacab Faro Badan Oo Soomali Ahi kadib markii dawlada ethiopia cadaadis faro badan saartay qoomiyada oromia ay sumeeyeen beerihii qaadka ahaa ee laga soo guri jiray qaadka loo diro dalalka jaar isla markaana ay ku sumoobeen oo cusbitaalka magaalada jigjiga loo dhigay maalintii shalay ku dhawaad ilaa 30 qof oo Soomali Ah Waxaana Wasiirku Intaasi Ku Daray Inay Xataa Jiraan Dad u geeriyooday Suntaasi Oo ay Cadeeyeen Kadib Markii Dhakhaatiirta Cusbitaalka magaaladu Xaqiijisay Oo Laga Helay Dadkan Baadhitaanka lagu Sameeyey Sun Halis ah islamarkaana Qofka Kala Dagaalamaysa Taranka Dhinaca Dhalmada. Faahfaahinta Wixii Warkan kasoo Kordha Kala Soco Shabakada GNN.