War Deg-deg-Saddex Qof Oo Ku Naf Waayay Qarax Ka Dhacay Dalka Kenya.

Nayroobi:– Saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday kadib markii gaarigii ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday waddo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda.

Qaraxan ayaa ah kii shanaad oo noociisa ah oo muddo saddex bilood ah ka dhaca deegaanka.

“Baabuur Toyota ah oo ay saarnaayeen dhowr qof ayaa dul maray miino dhulka lagu aasay, deegaanka Nyongoro” Waxaa sidaas sheegay Gilbert Kitiyo oo ah madax deegaanka Lamu, oo taleefon kula hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masa’uuliyadda qaraxa.

Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaalida ayaa marar badan deegaanka ka fulisay weeraro iyo qaraxyo, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.