War Murtiyeed Ka Soo Baxay Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Ayaa Shacabka Lagula Socodsiiyey In Aaney Marin Wadadii Hore Uga Iman Jirtay Addisababa.

Nuxurka Warmurtiyeedkan Kooban Oo Ka Soo Baxay Xafiiska Dawlad Deegaanka Ethiopia Maanta Khamiis 14ka September 2017. Waxaa dhamaan shacabwaynaha la ogaysiinayaa in bulshada aadaysa ama ka imanaysa Addisababa ay maraan wadada Jigjiga,Tuli guuleed, Samakaab, shiniile ama Jigjiga, Tuli guuleed, samakaab, dhambal, Shiniile. Waxaana gaar ahaan ardayda, xujayda iyo ganacsatada la ogaysiinayaa inay isticmaalaan diyaarad inta ay xaaladu ka dagayso cida aysan diyaarad usuuroobaynina inay maraan wadadan.