Waraabe Dad Ku Cunay Deegaano Waqooyiga Magaalada Hargeysa Dacda

Waraabahan ayaa xoguhu waxay noo sheegeen in ilmaha yar xilli danbe oo habeenimo ah uu kala baxay Lagga (Bogga) hooyadeed oo ay ku jirtay,waxaana waraabuhu sidan oo kale ninka wadaadka ah ugu cunay deegaankaasi Riiga Kalawle,ninkan oo ahaa sida naloo sheegay Wadaad suufi ah oo ah dadka kaligii socda.Dadwaynaha deegaanka Cabdi Geed iyo ciidamo boolis ah oo deegaankaas ku sugan ayaa raacdeeyey raq iyo ruux mid ay helaan oo ah ilmahan yar ee waraabuhu qaatay,waxaana goob fog laga helay lafihii Ilmaha yar,Waxaana deegaanadaasi lagu aasay labadaasi qof ee Waraabuhu cunay.

Cabsi badan ayaa soo food saartay dadwaynaha deegaanadaasi,waxaana ay bulshadu ka cabsi qabtaa Dhurwaagan weerarka kusoo qaaday