Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Murashax Muuse Biixi Ku Canaantay Inuu Sixi Kari Waayey Wixii Ay Khaladay Xukuumada Kulmiye –

Hargeisa(GNN):-Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ee ka soo jeeda xisbiga Waddani ayaa shaaciyey mooshin ka dhan ah Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ay wadaan xildhibaano kulmiye ka tirsani.

Xildhibaan Tukaale oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay in qaybo ka mid ah xildhibaanada Kulmiye ay wadaan mooshinkaasi, waxaanu yidhi “Waxaan maqlayey koox ka mid ah xisbiga kulmiye oo ka jabay markii la dooranayey gudoomiye ku xigeenka oo la muuqinayey oo laga diiday wixii ay doonayeen, kuwaas oo tiradoodu tahay dhawryo toban kuwaas wada  arin noocaas ah oo lidi ku ah Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle.”

Xildhibaan Tukaale ayaa sidoo kale dhaliilay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxaanu yidhi “Markii la dooranayey gudoomiye ku xigeenka mise intii dambe,  anagu doorashadii gudoomiye ku xigeenka wax abaabul ah ama olole ah oo aanu ka galnay may jirin, rag badan oo  Waddani ah ayaaba codka siiyey, markaa sabab uu u yidhaahdo maanta Waddani waxay ku faanayaan cod aanay I siin, codka haddii la siiyey iyo haddii kalaba waxaad tahay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada markaa hadalkaasi mid meesha qabta muu ahayn waayo codkii wuu helay waanu guulaystay markaa inuu yidhaa cidbaan codka I siin taasi waa mid ka baxsan arimaha doorashada iyo cida ku guulaysatayba.”

Sidoo kale xildhibaan Tukaale ayaa ka hadlay tartan adag oo magaalada Gabiley ku dhex maraya murashaxiinta xisbiyada Kulmiye iyo Waddani waxaanu yidhi “Waxaan u malaynayaa inay Gabiley tahay gurigii Muuse Biixi, gurigaagana inaad ku faanto maaha laakiin waxa lagaaga baahan yahay inaad meelaha kale ee aan ahayn gurigaaga ee qabaa’ilka kale dagaan inaad ka ololayso ayey quruxdu ku jirtaa laakiin haddii gurigaaga saacadu kaaga dhacdo taasna waxaan u sababaynayaa in lala qaybsaday halkii uu ka soo jeeday, waana sababta ku kaliftay inuu ka dhex bixi waayo deegaankiisa.”

Ugu dambayn xildhibaan Tukaale ayaa murashax Muuse Biixi ku dhaliilay inuu ka aamusay wixii ay xukuumadu khaladay “Xukuumadan ayuu intaas hoos joogay, waanu arkayey waxa ku dhacaya dalka iyo dadka, intaasna midna kamuu damqan markaa ninka shalay ka damqan waayey ileen xukuumadu xisbigiisa ayey ka mid ahayd oo dadkii xisbiga ayey ahayde ee sixi kari waayey barina waxba qaban kari maayo.”