Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Siyaasiyiin Haldoor ah oo Dhawaan Kasoo Digo-rogtay WADDANI

Hargeisa(GNN):-Xisbiga midnimada iyo Horumarinta Somaliland ee KULMIYE, ayaa hadhimo-sharafeed heerkeedu sarreeyo ku maamuusay siyaasiyiin iyo xildhibaanno haldoor ah oo dhawaan xisbiga WADDANI iska casilay, isla markaana shaaciyey inay KULMIYE kusoo biiri doonaan.
Munaasibadda hadhimo-sharafeedda ah oo maanta lagu qabtay huteel Green Plaza ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah hoggaanka sare ee KULMIYE, wasiirro, siyaasiyiin iyo xubno hore uga tirsanaan jirey xisbiga WADDANI, kuwaas la filayo inay maalmaha soo socda kamid noqdaan xisbiga KULMIYE.
Kulanka qadada ah oo sheeko iyo kaftan badan lagu wadaagay, ayaa waxa uu ahaa mid haldoorka kasoo digo-rogtay WADDANI lagu soo dhaweynayey, isla markaana loogu muujinayey in codkooda iyo cududoodaba baahi badan loo qabo.
Siyaasiyiin ruug caddaa ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Naasir Cali Shire, Cabdiqaadir Tukaale iyo Xaamud oo ay wehelinayaan haween firfircoon iyo saraakiil kale oo kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga WADDANI, balse waqtigan diyaar u ah inay xisbiga KULMIYE tacab badan geliyaan oo iyaguna madasha ku sugnaa, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin hadhimada lagu sharfay.
Xubnahana haldoorka ah ee kasoo baxay xisbiga WADDANI, ayaa la filayaa in maalinta berri ah loo qabto munaasibad ballaadhan oo ay xisbiga KULMIYE kula midoobi doonaan.

21766604_476131209417270_2308844572820306336_n 21766821_476130892750635_2290346588740135048_n 21768316_476131169417274_5677634476812403868_n 21768423_476130879417303_3748970295427986017_n 22007739_476130609417330_982863431414928321_n 22008208_476130776083980_6527763216556337380_n 22008362_476130526084005_5158685409297185884_n 22046803_476130622750662_2173444218641771306_n 22049963_476130506084007_6900603461494231185_n 22050024_476130912750633_4410261176799747404_n 22050142_476130882750636_4638350777394246682_n 22050191_476131176083940_5365238325291059553_n 22089166_476130916083966_509877972455254713_n