“Xisbiga Wadani Laantiisii Bristol oo burbur ku dhow” Gudd. Hore ee Wadani Bristol

Bristol (Gabiley.ne) Waxa maanta xaafiiska Gabiley.net ee magaalada Bristol soo gaadhay warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyihii hore ee ugu wakhtiga dheeraa Xisbiga Wadani ee Bristol ahna xubin ka tirsan Musdanbeedka Xisbiga ee Bristol Mudane Cabdi Iimaan Cumar (Cabdi Rakaab) iyo Cabdilaahi Maxamed Abokor, xoghayihii Siyaasadda.

Warsaxaafadeedkaasi oo kooban wuxuu u dhignaa sidan: –

“Anaga oo ah mas’uuliyiinta magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxa aanu maanta oo taariikhdu tahay 17/09/2017 aanu caddaynaynaa in aanu gabi ahaanba isaga baxnay xisbiga Wadani, sababta oo ah Xisbiga qaybtiisa Bristol oo uu ragaadiyey khilaaf xal loo waayey, wakhtibadana aan isku dayeynay inaan suulino, aakhirkiin aan xal u aragno in aan isaga dhex baxno intii Wadani Bristol ku burburi lahaa anaga oo ka tirsan”.

Sidaa daraadeed waxaanu caddaynaynaa in aanan ka sii mid ahaan karin meel ay biyo dhigtay oo ragaadisay khilaaf xal loo la’ yahay.

Allaa Mahad Leh,

 

Cabdi Iimaan Cumar – Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa xisbiga Wadani qaybta Bristol

C/laahi Maxamed Abokor –  Xoghiyihii hore ee Siyaasada Wadani ee  Bristol”

 

brist bris