Xisbiga Waddani Oo Xilli Aan Doorashadii La Gaadhin Niyad Jab Iyo Kalsooni Darro Ku Abuuray Taageerayaashiisa, Eedaymo Xagxagasho Ahna U Jeediyey Ururrada Bulshada, Saxaafadda Iyo Maxkamadda Sare Ee Dalka.

Hargeisa(GNN):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa xilli aan doorashadii weli la gaadhin niyad jab iyo kalsooni darro ku abuuray taageerayaashiisa,kaas oo  eedaymo kala duwan u jeediyey ururrada bulshada, saxaafadda iyo Maxkamadda Sare ee dalka oo ay siyaabo kala duwan u eedeeyeen masuuliyiinta xisbigaasi, taas oo u muuqata in xisbigaasi niyad jab ku ridayo taageerayaashiisa uu codka ka doonayo xilliga doorashada.

Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo muddooyinkii u dambeeyey si isdaba joog ah warbaahinta ula hadlayey, ayaa waxa isa soo taraya eedaymaha ay u jeedinayaan qaybo ka mid ah saxaafadda, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta oo ay ku tilmaameen in aanay dhex ka ahayn baahinta wararka iyo barnaamijyada xisbiyada oo ay u adeegaan xisbiga Kulmiye, iyaga oo sidoo kalena si gaar ah u weeraray suxufiyiin gaar ah oo ay ku xidhiidhiyeen inay xisbiga Kulmiye la shaqeeyaan, haka uu xisbiga waddani hore u eedeeyey Maxkamadda sare ee dalka oo ay ku tilmaameen mid aan ka gar naqi Karin dacwadaha laguna kalsoonaan Karin.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa eedaymo u jeediyey suxifitiin ka mid ah warbaahinta dalka iyo warbaahinta dawladda oo uu ku eedeeyey inay la safteen xisbiga Kulmiye oo aanay dhex ka ahayn xisbiyada dalka, taas oo u muuqata in xisbigaasi kalsooni  darro ka qabo warbaahinta qaar.

Afhayeenka Buubaa oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa maalintii Sabtidii ee la soo dhaafay, ayaa waxa uu yidhi “Waxa iyaduna dhacdo mucjiso ah noqotay Suxufiyiintii waaweynaa ee Somaliland gaar ahaan suxufigii Macalinka u ahaa Yoonis Cali Nuur, isagoo waliba Telefishanka Qaranka ka mushahar qaata oo ah masuul Qarankan u adeega in oo xeerka Saxaafada iyo Anshaxa Saxaafaduba uu ka reebayo in xisbi gaar ah u ololeeyo uu noqday masuul xisbiga Muxaafidku uu soo magacaabo oo loo magacaabay guddida saxaafada ee xisbiga Kulmiye, waad arkayseen in shalayto shaadhkii iyo macawistiiba ay ka dhaceen wuxuu ku hadlayey Yoonis Cali Nuur, waxaanu leenahay markaad waxaas ku hadasho Yoonisow Caruurtii aad waxbartayna maxaad u malaynaysaa” ayuu yidhi Afhayeen Buubaa.

Sidoo kale Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Mucaaridka Waddani Garya. Barkhad Jaamac Batuun, ayaa horaantii bishii hore ee la soo dhaafay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga Jamhuuriaydda Somaliland u jeediyey dhaliilo culus, eedeymahaasi oo ay u daliishadeen inay Maxkamaddu awoodeedii sharci ee dastuuriga ahayd ee ka garnaqista dacwaddaha dawliga ah ee ay xaqa sharci u lahayd ku tumatay maadama sida ay ku doodeen ay iska fogaysay ka garnaqista dacwaddii Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle uga gudbiyey khilaafkii  tartankii doorashaddii guddoomiyaha cusub ee  Golaha Wakiiladda Somaliland lagu doortay ka dhashay.waxnuu yidhi “Maxkamadda sare qaraarkeedu wuxu ku soo ururaayey shalayto inay dacwadii goluhu dib ugu celisay goluhuna uu ka garnaqo wixii khilaaf ah ee laysku hayo aanay ku dhameystaan xeer hoosaadkooda, waxaan doonayaa bulshadda in aan u bayaamiyo maxkamadda waxa la la galay may ahayn Kiis Dambi dil ah, Kiis rayid  ah oo madani ah oo darafyo ka dhexeeyey, ama Kiis ciqaaba waxa loo gudbiyey waa dacwad maamul, dacwaddaha maamul ee dawliga ahna cida ka garnaqda maaha maxkamaddaha hoose ee degmadda iyo gobolka ee waa maxkamadda sare, maxkamadda sare shalay waxay lumisay marka 1aad awoodeedii dastuuriga ahayd waxaanay umadda u cadaysay oo u bayaamisay in aanay madaxbanaani garsoor oo dalka ka jirta habayaraate aanay jirin, xaqiiqda meesha taalay waxay ahayn Dacwad kumu ahayn la la galay Maxkamadda inay fasiraad ku sameyso qodob dastuuri ah, inay fasiraad ku sameyso xeer hoosaadka baarlamanka inay laba qof kala saarto waxa loo la galay waxay ahayd doorashaddii golaha baarlamaanka ka dhacday waxa xildhibaan Talyanle iyo xildhibaanadda taageersan ay soo gudbiyeen dacwad ah inay xatooyo dhacday oo codkii meesha ka dhacay xatooyo lagu sameeyey, xalaalnimadda kursiga guddoomiyuhuna aanay wali xalaaloobin”

Ugu dambeyntii Garya. Barkhad Jaamac Batuun waxa uu intaasi ku daray isaga oo dhaliilo iyo talooyin u jeedinaayey Maxkamadda Sare ee Somaliland “Maxkamadda waxa laga filaayey inay qofka dhibanaha ah ee kiiska u la tegay markay ka aqbalaysay in galka dacwada la furo oo cida eeda laga sheeganaayo loo yeedho garnaq la sameeyo mudo la dhegaysto ka dibna go’aan la soo saaro maxkamadda waa awoodaheeda dastuuriga ah weeyaan, hadii ay maxkamaddii leedahay anagu kama garnaqi karayno dad is haya oo kama garnaqi karayno ciqaab golaha dhexdiisa ka dhacday oo xatooyo ah oo xildhibaanadda qaar ay leeyihiin daliilkeedii waanu haynaa kamana garnaqi karayno dacwaddaha dawliga ah, ma waxay doonaysa maxkamadda iyo cida ka masuulka ahi in laysku la noqdo geedaha hoostiisa oo hab iyo hanaan qabiil wax lagu dhameeyo iyada oo ay Somaliland ta ka soo gudubtay, xisbi ahaan anaga waxay noo muujinaysa arinta tani digniin ayey noo bixinaysaa aaminaada iyo kalsoonida aanu Maxkamadda horeba ugu qabnay iyo imika inay wax muuqdaan maadama oo dalku xaalad adag gelaayo oo xaalad xaasaasi ah uu gelaayo oo xaalad doorasho gelaayo oo mawjado mawjadan ka weyni soo socoto maanu fileynin guddoomiyaha maxkamadda sare iyo garsoorayaashiisu inay talaabadan qaadaan, waxaanu ugu baaqaynaa in maxkamadda sare sharafteeda, haykalkeeda iyo hanaankeeda la dhawro”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Mueashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa isaguna kalsooni darro ka muujiyey in Somaliland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan doorashada Somaliland ee soo socota, xilli aan weli la gaadhi doorashadaasi, waxaanuu sidaasi ka sheegay wakhti uu ka soo laabtay waddanka Sucuudiga oo uu u tegay Gudashada Xajka, waxaanuu yidhi “Waxaan leeyahay guushaa Somaliland usoo hoyatay haday diiwaangalin tahay iyo kaadh qaadasho tahayba, waxay dhamaystirmaysaa hadii aynu helno doorasho wanaagsan, wixii ka dhacay Kenya waynu la soconaa, waxaynu u baahanahay doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan la farafaraynin markaasay guusha Somaliland ay dhamaystirmaysaa, waxaanu ugu mahadnaqaynaa beesha Caalamka gacantii ay ka geysatay doorashooyinkii hore ee Somaliland, gacantii ay ka geysatay diiwaangalinta, gacantii koobnayd ee ay ka geysatay kaadh qaadashada, waxaanu ugu baaqaynaa beesha Caalamka inay si dhaw ula socoto doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa in la keeno goobjoogayaal caalamiya hadii Illaahay ka dhigo”

Sidii kale Isla Maanta Waxaa Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Uu Soo Saaray Warmurtiyeed uu ku Saxeexnaa Xogahayaha Guud ee Xisbiga waddani Taas Oo Nuxurka Qoraalka Warmurtiyeedkaasi Ahaa In Kalsoonidii Ay kala Noqdeen Labada Urur Ee Kala Ah Ururka Dhalinyarada Ee Sonyo iyo Akaadamiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee hadalladan eedamaha ah ee ka soo yeedhay masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa u muuqda kuwo kalsooni darro ku ridaya taageerayaasha xisbigaasi, maadaama oo ay hadlladoodu ku qotomaan eedaymaha Saxaafadda, Ururrada Bulshada  oo ah kuwo iyagu inta badan u adeega bulshada cid gaar ahna aan dhinac saarin iyo Maxkamadda Sare ee Distooriga ah oo ah meesha lagu kala boxo marka uu muran yimaaddo kuna tilmaameen mid aan lagu kalsoonaan Karin, waxaanay taasi muujinaysaa in xisbiga waddani xilli aan weli la gaadhin doorashadii uu ka sii wel wel san yahay qabsoomidda doorashada una baaqayo beesha caalamka inay soo faro geliyaan.

Taas Oo Taageerayaasha xisbiga Ku Ridaysa Marin habow iyo Jaahwareer Sababi karta in uu Lumiyo codadka taageerayaal badan oo Wakhtigan la Yaaban Wararkan is Khilaafsan ee Xisbigu ku Foogan yahay.

Hargeisa Somaliland

Gabiley Office.

GABILEY-LOGO-OK