Ciidamada Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Gudaha Hargeysa Ku Samaynayay Lacago Foojari Ah

Ninkan dhalashadiisu tahay Shiinaha ayaa ciidamadu qabteen sida wararka nasoo gaadhayaa ay tibaaxaayaan isaga oo Hargeysa gudaheeda ku samaynaya lacago Foojari ah oo Dollar ah,kaas oo shalay subax oo kaliya daabacay lacag gaadhaysa 40,000$ (Afartan Kun Oo Dollar).

Ninkan oo daganaa hudheel ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa waxa qabtay sida la sheegay shaqaalihii hudheelka ka shaqaynayay,kuwaas oo Booliiska ku wargaliyey mashruuca uu ninkani waday oo ahayd in uu lacagtaas Daabaco si uu dadka ugu dhaco.