Doorashada Kenya: Odinga & Kenyata oo Baaqyo lidi isku ah soo saaray iyo Shacabka oo Walaacsan,Xaallado Amni Darro Dalka Ka Dhaca.

Waxaa saacado kaliya ka hadheen xiligii loo qorsheeyey in la qabto doorashada ama codbixinta kuceliska ah ee Doorashada Madaxweynaha Kenya, waxaana fashilay isku daygii ugu danbeeyey ay Mucaaridka doonayeen in lagu hakiyo codbixinta 26ka Oktoober.

Maxkamada Sare ee Kenya ayaa sheegtay in aysan dhageysan karin dacwadii ugu danbeysay oo ay mucaaridka u gudbiyeen in dib loo dhigo doorashada, kadib markii 5 kamid ah Garsoorayaasha Maxkamada sare ay u soo xaadiri waayeen saaka dhageysiga dacwada taasi oo keentay in la waayo kooromka Garsoorayaasha Maxkamada sare ee dacwadaha dhageysan kara.

Guddoomiyaha Garsoorayaasha Maxakamada Sare David Maraga ayaa sheegay inuu ka xun yahay in la waayey 5 kamid ah Garsoorayaashii la shaqeyn lahaa. Mucaaridka ayaa arrintan ku tilmaamay inay dowlada ka danbeyso oo ay cadaadis saartay Garsoorka madaxa banaan.

Guddiga Doorashooyinka IEBC ayaa kadib fashilka dacwadii hortaalay maxkamada iyaguna ku dhawaaqay inaan la joojin karin codbixinta oo ay dhici doonto xiligii loogu talo galay.

Kenyatta iyo Odinga
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shacabka ugu baaqay inay beri subax codkooda dhiibtaan isla markaana qofkii aan dooneyn inuu codka dhiibto uu xaq u leeyahay balse ka codsaday in aan la horjoogsan dadka doonaya inay codkooda dhiibtaan, wuxuuna intaasi raaciyey inay dowlada sugeyso amniga xiliga ay codbixinta socoto.

Hogaamiyaha Mucaarida Raila Odinga ayaa isaguna maanta taageerayaashiisa kula hadlay fagaaraha caasimada ku yaal ee Uhuru Park, wuxuuna ugu baaqay shacabka inaysan ka qeyb qaadan doorashadan oo uu ku sheegay mid aan xalaal ahayn. Taagerayaashiisa ayuu faray inay qoysaskooda, qaraabadooda iyo waliba saaxiibadooda ka dhaadhiciyaan inaysan codka dhiibin.

Cabsida Shacabka
In badan oo kamid ah shacabka ayaa ka cabsi qaba in xiisada doorashada iyo khilaafka siyaasadeed isu bedalo dagaal sokeeye ama rabshado lamid ah kuwii dhacay doorashadii 2007.

Kadib go’aankii Maxkamada Sare ay ku laalshay natiijadii doorashada Madaxweynaha ee la qabtay 8dii Agoosto, ayey mucaaridka codsanayeen in sidoo kale la bedalo xubnaha hogaanka u haya Guddiga Doorashooyinka IEBC, arrintaasi oo ay mucaaridka ku guuleysan waayeen inkastoo hal xubin oo guddiga kamid ahayd ay iscasishay.

Mucaaridka ayaa ku doodaya in hadaan wax laga bedalin qaabka ay codbbixinta u dhaceyso in aan lagu kalsoonaan karin natiijada doorashada waxaana codsigooda kamid ahaa in la bedalo shirkadaha qandaraaska lagu siiyey daabacaada waraaqaha codbixinta, bedalida guddiga doorashada iyo waliba shirkadaha natiijada tirinaya oo kaydinaya.

Guddiga Doorashada oo ay iyagu Maxkamada sare u qabatay muddo 60 maalmood gudahood ah ay ku qabtaan doorashada ku celiska ah ayaa sheegay inaysan macquul ahayn isbedalada ay mucaaridka codsanayaan.

Madaxweyne kenyatta oo isgu sheegay inuu ka xumaa in la laalay guushiisii 8da Agoosto ayaa isaguna ku adkeystay inaan dib loo dhigi karin doorashada oo ay xiligeeda dhacdo.