Daawo:Murashax Cirro oo Digniin u Direy Ganacsatada Lacagahooda Gelinaaya  Hantida Dawladda.

 Guddoomiyaha ahna musharraxa Madaxweynaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo beelaha Bilaal iyo reer Gobdoon  kula midoobayeen xisbiga Waddani. Musharraxa oo munaasibadda hadal ka jeediyay ayaa si weyn u soo dhaweeyay cududda xisbiga ku soo biirtay “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya beel weynta halkan cududeeda ku muujisay ee u muujisay in ay Qarankan u hiilinayso, in ay isbedelka maanta shacbigu rabo taageerayso, isbedelkaasina wuxuu Insha Allah ku iman doona sallaanka Waddani haddii Alle ka dhigo.Sallaankaynu wada fuulayna guushana waynu wada dhalinayna Illaahayna waynu kaashanayna,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka warramay rabitaanka shacbiga Somaliland “ Shacbiga Somaliland Bari iyo Galbeedba waanu soo marnay; gobol aanan tagin iyo degmo aanan tagin ma jirto, shacbigu waxay isku raacsan yihiin in maanta isbedel yimaaddo, sidii Suldaan Jaambiir sheegay waa ‘Badaluu’ umadda Somaliland maanta way quusatay, waxay ka quusatay maamul wanaag, waxay ka quusatay caddaalad, waxay ka quusatay oo ay aragtay hantidii Qaranka oo sii yaraanaysa oo uu ugu dambeeyay iskuulkii riis,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu ballanqaaday in haddii uu xilka ku guulaysto la soo celin doono hantida umadda ee sharci darrada lagaga dhigay hanti dad gaar ahi leeyihiin “waxaanu hore ugu dhawaaqnay shacbigana u xaqiijinayna in wax allaale wixii hanti Qaran ah ee ku baxay sifo aan sharci ahayn gacanta shacbiga lagu soo celin doono. Hore waanu uga dignay haddana waanu ku celinayna dadka ganacsatada ah ee maamulka 30-ka cisho u hadhsan yahay wax ka iibsanaya waxaanu leenahay lacagtiina ha iska khasaarinina,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharraxa Madaxweynaha xisbiga Waddani waxa uu sheegay in bulshada Somaliland rajo beel iyo quus ka istaagtay nidaamka xukumadda Kulmiye sidaas awgeedna xisbiga Waddani yahay xisbiga rajada Somaliland “Waxaanu insha Allah shacbiga ka saari doona rajo beelka oo waxaanu u soo celin doona rajada. Maanta shacbiga waynu ka warqabna oo waxa noloshooda hoos u dhigay oo cidhiidhyay SIXIR BARAR wax walba wuu taabtay sixir bararku, guri walba wuu taabtay, shaqaalaha dawladda wuu taabtay, askariga ciidanka ah wuu taabtay, insha Allah waxaanu la imanayna oo ku hawlgalayna siyaasad cad oo lagu xakamaynayo Sixir bararka,” Sidaas ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in uu mar kale tafaasiil ka bixin doono barnaamijka iyo qorshaha xisbigiisu codka ku doonayo waxaanu baaq u diray bulshada Somaliland “Bulshada Somaliland waxaan ugu baaqaya maanta waxa la kala dooranaya rajo iyo rajo beel, caddaalad iyo caddaalad darro, ammaano ilaalin iyo hanti boob, marka shacbigu kay dooranayaan way garanayaan, isbedelkaynu dooranayna, isbedel khayr qaba Alle ha inooga dhigo, kii Kulmiye oo kale Alle inoogama dhigo,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo Alle ka baryay  doorasho nabad ah iyo isbedel khayr qaba.

Ugu dambeyn Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada iyo taageerayaasha Waddani u diray farriin ah ilaalinta amniga iyo kala dambeynta“Waxaan shacbiga iyo taageerayaashayada ugu baaqaya in aynu sharciga iyo nabadgalyada ilaashanno. Kulmiye waxay yidhaahdeen laba bilood baa hadhay ee aan meesha sii boobno, shacbigii shalay ka horyimid ee diiday dugsiga Riis way mahadsan yihiin,” Sidaas ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha Waddani.