Halkan Ka Daawo-Golaha Abwaanada Somaliland Oo Hadda Warbaahinta La Hadlay Fariin Muhiimana u Diray Shacabka,Asxaabta Qaranka.

 Hargeisa(GNN):-Golaha  abwaannada  Somaliland  ee Mus-danbeed, ayaa tallo waayeelnimo u diray saddexda xisbi qaran kuna waaniyay in ay ilaashadaan qaranimadooda iyo nabad-galiyadda aynu ku caano maalay.

Waxaanay golaha Abwaanada Somaliland si nasteex ah uga talo bixiyeen in loo baahan yahay in dhaqankii wanaagsanaa ee Somaliland ku soo caano maashay la dhawro islamarkaana inamada iyo hablaha gaadiidka la wada saarayo la kala daayo, oo hablahana gaadhi gaara la saaro wiilashana gaadhi gaara./

Golaha Abwaanada Somaliland ee Musdambeed oo ay u hadleen Abwaanada Maxamed Aadan Dacar,Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan Genay,Fannaan Cumar Xasan Rooraaye iyo Afhayeenka ururka Mus-dambeed ee golaha Abwaannada Wariye Maxamed Xasan Cali Waji.

Waxaanay Golaha abwaanada ee musdanbeed ay sidan ka sheegeen  shir jaraa’id oo ay goor dhaweyd ku qabteen xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxaa ay  bulshada reer Somaliland ku amaanay sida wanaagsan ee ay u wadaan olalaha xisbiyada qaranka.

Waxaanay abwaanintani ay sheegeen in arrintani ay tahay mid ay farxad la soo kaceen, kuna hanbalyeynayaan bulshaweynta qaranka Somaliland.

Sidoo kale waxaa ay gaadiidleyda basaska ee dadweynaha taageerayaasha ah sida ugu baaqeen in hablahana gaadhi la saaro inamadana gaadhi la saaro, lagana fogaado wixii waxyeelayana dhaqankeena iyo diinteena suuban.

Dhanka kale waxaa ay baaq u direen fanaaninta iyo mu’alifinta dada yar ee reer Somaliland oo ay u soo jeediyeen inaanay xisbiyada kala jecleysan oo ama ay wada amaanan ama ay iska wada daayaan.

Waxaa kale oo ay abwaanintani amaan dusha uga tuureen guud ahaanba warbaahin ta ka hawlgasha gudaha Somaliland, kuwaasi oo ay ku amaaneen sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen tabinta wararka iyo barnaamijyada xisbiyada qaranka.

Halkan Ka Daawo