Halkan Ka Daawo-Shaqaalaha Shirkada Laydhka Sompower Oo Ka Waramay Dhaawacyo Xalay Loogu Gaystay Goobo Kooxo Abaabulani Laydh Sharci Darro Ah Marinayeen.

Hargeisa(GNN):-Shirkadda Laydhka ee SOMPOWER, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah Shaqaaleheeda ka hawl gala magaaladda Hargeysa ay dhaawacyo ka soo gaadheen hawl gallo laydh gelin ah oo ay samaynayeen shirkado kale oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo ay sheegeen inay weerar ku qaadeen shaqaalohooda iska caabinna ay kala hor tageen ciidanka amaanka, iyaga oo doonaya inay xoog ku fuliyaan hawl galka laydh ballaadhinta ah ee wasaaraddu Macdanta iyo Tamarta Somaliland hore u joojisay in magaaladda Laga sameeyo.

Hawl galkan laydh gelinta ah ee ay Shirkadaha Laydhka ee Gaafane iyo Telesom oo ay ka samaynayeen gudaha Hargeysa, ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu dhowaan wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland xayiraad saaray laydh gelinta Hargeysa, taas oo ay hore uga biyo diideen isla markaana ku goodiyeen in aanay u hogaansami doonin wareegtadaasi wasiirka oo ay samaynayaan ballaadhinta laydhka Hargeysa, iyaga oo arrintaasi ka dhabeeyey  bilaabayna ballaadhinta laydhka, Waxaa Arrintaasi Sababtay In Kadib Markii Qaar Kamida Shaqaalaha Shirkada Sompower Ay la Kulmeen Hawshan ay Wadaaan Shirkadaha Doonaya In Sifaha Sharciga Baalmarsan ay Ku Balaadhiyaan laydha Ay U Adeegsadeen Rasaas oo ay Qaar Kamida Shaqaalahii Shirkada Sompower Dhaawacyo u Gaysteen, Waxaana Arrintaasi sababtay in Ciidanka amaanku soo gaadho goobtii ay ka wadeen balaadhinta laydha hase ahaatii waxay ciidankii kala horyimaadeen iska cabin iyo in ugu jawaabaan rasaas taasina ay sababtay in ciidanku gacanta ku dhigaan Raggii waday hawshan qaar kamida shaqaalihii iyo masuuliyiintii shirkadahaasina la xidh-xidhay.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Laydhka ee SOMPORWER oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey qaabkii ay wax u dheceen, waxaanay sheegeen in ay weerar ku soo qaadeen shirkadahan kale oo waday laydh gelinta la joojiyey oo ay doonayeen in ay awood u adeegsadaan, waxaana shaqaalahaasi ka mid ahaa hadalladoodii “Xalay (Habeen hore) ayaa waxa naloo soo sheegay in shirkadda Laydhka ee Gaafane ay wadaan kaabadaha laydhka oo ay ku soo rogeen meelo ka mid ah magaaladda taas oo hore wareegto wasiir looga soo saaray, ka dibna waxanu l;a hadalnay ciidanka booliska markii aanu aragnay in ay doonayaan inay weerar nagu soo qaadaan, ka dibna waxa way nasoo weerareen oo rasaas ayey ku soo rideen ciidanka booliska shaqaalaha shirkadda Gaafane ayaana xabadda hor riday, markaa shaqaalaha shirkaddaasi aflagaado, gacan ka hadal iyo hanjabaad ayey nagu hayaan waa in ay dawladduu wax ka qabataa ayaanu leenahay”

Sidoo kale shaqaalahani waxa ay sii faah faahiyeen qaabkii uu u dhacay hawl galkaasi iyo sida ay ciidanka amaanku uga hor tageen, waxaanay ugu baaqeen xukuumadda in wax laga qabto arrintaasi “Mulkiilaha shirkadda Laydhka Gaafane ayaanu ku nidhi anagu waxba iska kaa hor taagi mayno shaqaale ayaanu nahay, markaa shaqaalihiisa ayaa tii naga aqbali waayey oo dagaal ayey nagu bilaabeen, markaas ayuu ciidanka boolisku soo gaadhay oo iska hor imaad ayaa dhex maray iyaga iyo bileyskii, anaga oo ah shirkadda Sompower waxaanu aragnay qalab meel lagu rogayo ka dibna waanu ku baydhnay waanay nasoo weerareen oo waxa ay noosoo qaateen qoryo iyo hub badan”

Dhinaca kale Ciidamada Amaanka ee Magaaladda Hargeysa, ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen Masuuliyiinta shirkadda Laydhka ee Gaafane Electeric iyo qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi oo ay ka soo qabteen goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ee ay ka samaynayeen hawl galkan laydh gelinta ah, kuwaas oo la sheegay inay ku xidhen yihiin saldhiga Ibraahin Koodbuur, isaga oo Taliyaha Qayntaasi uu ka gaabsaday mar ay warbaahintu isku dayeen inay wax ka qaydiiyaan dhacdadan iyo xadhiga xubnahaasi shirkadaha laydhka.