Muqdisho:Qaraxyo iyo Weerar Ka Dhacay Hoteelka Naasahablood 2

Muqdisho(GNN):-Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Hoteelka Naas-hablood 2 ee degmada Xamar weyne ee magaaladda Muqdisho. Qaraxaasi waxaa xigay ciidamo hubaysan oo gudaha u galay Hotelka.

Suxufi ka tirsan Idaacada Kulmiye oo goobta qaraxu ka dhacay tegay  ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay  Meydadka illaa 10 Qof oo Shacab ah oo ku dhintay Qaraxa islamarkaana ay ku jiraan kuwo Saarnaa Gaadiid Goobta marayay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale  laga daadgureeyay Dhaawacyo gaaraya ilaa 15 Qof oo ay qaadeen Gaadiidka Gurmadka deg dega ah.Waxaana weli Hotelka laga Maqlayaa Rasaas ka dhaceysa,iyadoo Ciidamada Ammaanka ay xireen Goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Qarax kale uu  ka dhacay Meel u dhow Taalada Daljirka Dahsoon oo aan ka fogeyn Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne  oo qaraxa kowaad iyo weerarka xigay uu ka dhacay.

Cabdullaahi Aadan oo ka tirsan ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa u sheegay Wakaaladda wararka Reuters in qaraxu uu ka dhacay Meel u dhow Tiyaatarka qaranka. Khasaaraha ka dashay weerarkaasi ayuu sheegay inay tahay weli goor hore in la xaqiijiyo tirada dhimashada iyo dhaawaca.

” Dagaal ayaa ka socda gudaha hotelka, Hotelka waxaa badanaa dega saraakiisha ciidamada, Qareeno iyo siyaasiyiin” ayuu yiri

Qaraxyada iyo weerarka ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaaladda Muqdisho uu ka socda shir hordhac ah oo  ay yeelanayaan Madaxda federaalka iyo maamul goboleeyada dalka, kaasi oo lagu xalinayo khilaafka soo kala dhexgalay. Waxaa kaloo weerarkan  uu imaanaya iyadoo  labo todobaad ka hor Muqdisho uu ka dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe oo ay ku dhinten 400 qof oo shacab, tiro intaas leegina ay ku dhaawacmeen.

Gabiley News Network

Muqdisho Somalia.