Xisbiga Kulmiye Oo Sheegay In Uu Dacwad Ka Dhac Ah Xisbiga Waddani U Gudbiyey Komishanka Doorashooyinka.

Hargeisa(GNN):-Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa sheegay inay dacwad ka dhan ah xisbiga Mucaaridka ah ee waddani ay u Gudbiyeen komishanka Doorashooyinka qaranka, gaar ahaan Guddida Anshaxa oo usoo jeediyeen inay tallaabo ka qaadaan xisbigaasi.

 

Dacwaddan ka dhanka ah Xisbiga Waddani ee Kulmiye sheegay inay Komishanka u gudbiyeen, ayaa salka ku haysa sharci jebin ay ku eedeeyeen oo la xidhiidha inay sameeyeen olole sharci darro ah oo ay ka sameeyeen gobolka Haw doo ay dhowaan masuuliyiinta xisbigaasi tageen.

Siyaasi Muxumed Aw Cabdi oo ka mid ah xubnaha dhinaca komishanka u qaabilsan xisbigaasi oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay in uu xisbiga waddani sharci jebin sameeyey, isaga oo farrin u diray Komishanka Doorashooyinka oo uu usoo jeediyey inay tallaabo ka qaadaan xisbga waddani, waxaanuu yidhi  “Markay doorasho timaaddo tallaabo ku saabsan doorashooyinka qaranku xeer baa lagu dabbaqaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa, siiba WADDANI waxay caadaysteen in markasta oo xeer la la soo saaro oo guddoomiyeyaasha laga saxeexo in iyada oo aannu toddobaad kasoo wareegin xeerkii lagu tunto, iminkana iyada oo doorashadii foodda innagu soo hayso xeerkii hab-dhaqanka xisbiyada ee doorashadaas ayaa maalin dhawayd la kala saxeexday, maalintii taas ku xigtayna xisbiga WADDANI wuxuu ololihii iyo sharci-jebintiiba ka bilaabay gobolka Hawd, annaga oo sharciga ixtiraamayna, qarankana u tudhayna waxaannu Komishanka u qornay warqad, xisbiga WADDANI-na waxa uu ku kacay in gaadiid ay leeyihiin lagu dhejiyo calaamadaha KULMIYE u gaarka ah gudaha magaalada Balligubadle taasina waa dambi KULMIYE laga galay, amnigii xafiisyada KULMIYE ee magaalada Baligubadle ayaa halis la geliyey, xisbi ahaanna waxaannu u aragnaa inuu jabay xeerkii hab-dhaqanka doorashooyinku, Komishankana waxaannu uga fadhinaa inay go’aan cad naga soo siiyaan xeer-jabintaas uu WADDANI ku kacay,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.