Wasiirada Duulista iyo Hawada ee Somaliland iyo Somaliya Farxaan Aadan Haybe iyo Maxamed Cabdilaahi Salaad ayaa khamiistii kulan ku yeeshay mnagaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya,halkaas oo ay kaga wada hadleen khilaafka ka taagan hawada dalkii hore ee la isku odhan jiray Somaliya.
Wasiirka ka socday Somliland ayaa isna la sheegay inuu soo bandhigay heshiisyadii hore ay Somaliland iyo Somaliya uga gaadheen dalka Turkiga ee nuxurkoodu ahaa sida ugu haboon ee wada jir looga maamulo karo hawada,waxaanu ku adkaystay in maamulka hawada ay gacanta ku hayso ICAO ilaa la gaadhayo heshiis loo dhan yahay.
Gunaanadkii sida uu warku sheegayo waxay Somaliland iyo Somaliya ku ballameen in la iskugu tago shir balaahdan oo ay ICAO goob joog ka tahay,lana gaadho heshiis farsamo oo hordhaca ah,kulanka danbena waxa loo ballamay Bisha Jeeniwari ee sanadkan Soo socda 2018.
Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa wahelinayay oo la socday agaasimaha duulimaadka ee wasaaradda Duulista iyo hawada Siciid Ileeye (Saqiiro),halka uu wasiirka Somaliya wahelinayay agaasimaha Duulista ee wasaaraddaas Somaliya Cismaan Maxamed.