Bulsho Ahaan Waxa Aynu U Baahan Nahay Inaynu Si Aamino,Oo Qofka Siyaasiga Ah La Aamino.

Hargeysa(GNN):-wasiirka wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo habeenki xalay ahaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo ay ku kulmeen dhalinyarada Somaliland iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyadu kulankan oo ahaa mid loo qabtay Abwaan Laab-salaax ayuu wasiirku ka jeediyey khudbada dheer waxaanu yidhi “Aslaamucalaykum, aad baan ugu faraxsanahay inaan ka soo qayb gallo munaasibadan lagu soo bandhigaayo suugaanta abwaanka weyn ee Xasan Dhuxul Laab-saalax oo ah abwaan qiimo weyn qaranka ugu fadhiya.

Waxaa kale oo halkan ka hambalyaynayaa da’yartaa wakhtigooda usoo huray inay dhagaystaan maansooyinkan qiimaha leh ee halkan laga jeediyay, anigu abwaan ma ihi laakiin waxaan ahay dadka suugaanta jecel ee dhagaysta, bulshadeenii waxyaabaha ku dhacay waxa kamida is aamin la’aan, dal baynu ka tirsanayeyn sodon sanadood, dalkaasi waxa aynu ka soo baranay waxyaabo badan murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ayax tag eel-na reeb, waxa aynnu kasoo baranay, khiyaamada, is-aamin la’aanta, burburka iyo qofka siyaasiga ah oo aan la aaminin.

099A6100 099A6101 099A6102 099A6194 099A6196

Imika bari dhawayd oo aan tagay Kuwait oo aan ka soo qaaday mashruuca lagu dhisay madaarkeena oo aad maanta quruxdiisa aragto, markii horana siduu ahaa aad ogaydeen ayaa ninkii siyaasiga ah ee ila kul-maaba uu is yidhaahdaa walaahi malaayiinkii doolarka ahaa ayuu boorsada ku sitaa, waa is aamin la’aanta bulshadeena maanta haysata, anigu siyaasi ayaan ahay xafiis ayaan fadhiyaa qofkii ii soo galaaba marka uu saa ii eego ayuu is yidhaahdaa walaahi lacag baa ninkan dul-saar-saaran, waxa aynnu u baahan nahay inaynu si aamino,oo qofka siyaasiga ah la aamino, imika heestii ay xidigaha geesku halkan ka qaadayeen ee ahayd “ninkii u han-wayn hoggaanka dalkoow hankaagu ha dhaafo reer hebel” qaar baa is odhanaya idinkuu idiin jeeday.

Waxaan ku soo ururinayaa aad baan ugu mahad celinayaa Abwaanka Xasan Dhuxul Laab-saalax iyo xidigaha geeskaba suugaantii ay halkan ka qaadeen.

Wabilaahi Tawfiiq.

Guul Somaliland.