Berbera-Isbedelka Muuqaalkii Todoba Sano Ka hor iyo Waxyaabaha Ay Kusoo Kordhisay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo ah isha dhaqaale ee dalka Jamhuuriyada Somaliland islamarkaana dhaqaalaha ugu badan ee lagu maamulo wadanku uu kasoo baxo,taas oo xukuumadu ay ku kala socodsiiyo kharashaadka iyo mushaharaadka shaqaalaha dawlada la siiyo , marka laga reebo Kastamka Kala-baydh iyo dhoofka xoolaha nool ee qaar ka mid ah wadamada carabta aynu u dhoofino walaw aanay aad u badnayn, ayaa mudadii xukuumada Kulmiye ay xilka haysay waxa laga hirgaliyay magaalada Berbera mashaariic horumarineed oo tiro badan, waxaana kor loo qaaday guud ahaan kaabayaasha dhaqaale ee Bulshada, Dhismayaasha Jidadka dhexmara magaalada oo Casriyayn iyo Dayactir ballaadhan lagu sameeyay, Tayaynta Waxbarashada iyo Caafimaadka Gobolka kuwaas oo xukuumada Kulmiye ee haatan talada haysa ka hor aad u liitay, sidoo kalena waxa laga fuliyay Gobolka Saaxil mashaariic qiimo wayn leh oo soo jiitay indhaha bulshada caalamka, sababna u noqday in maalgashadayaal caalami ahi ay dalka yimaadaan oo hantidooda ay ku aaminaan, mashruuca ugu baaxada wayn ee  xukuumada kulmiye hirgalisay mudadii ay  xilka haysay waxa uu ahaa heshiiska Shirkada Dp World iyo dawlada somaliland dhexmaray, ujeedadiisuna ahayd in shirkada Dp World ay ballaadhin iyo casriyayn ku samayso Marsada Caalamiga ah ee Berbera si ay ula jaan-qaado Dekedaha kale ee Dunida, waxaanay xukuumadu kula heshiisay shirkadaasi inay muddo 40 sano ah gacanta ku hayso Maamulka Dekeda mudadaasna ay Dp World dhamaystirto waxkasta oo xilligan ka dhiman dekeda Berbera, waxa kale oo qorshaha lagu daray muhiimad wayna la siiyay  in Dekeda ay ku soo xidhaan Maraakiibta Waawayn ee shixnadaha kala duwan qaada, kuwaas oo aan dekeda iman jirin.

Sidoo kale waxay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hirgalisay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera waxqabad fara-badan oo ay ka mid yihiin qalabka lagu sifeeyo shidaalka oo loo keenay Haamaha Kaydka Shidaalka, Dib u dejin loo sameeyay dadka degaanka oo xilliyadii hore aad uga soo guuri jiray magaalada waxaana kor u kacay qiimaha lagu kala iibsado dhulka gudaha Berbera,Dhaqaalaha kasoo baxa Ilaha dhaqaale ee gobolka ayaa qayb ka mid ah lagu celiyay si loogu horumariyo waxna loogu qabto bulshada reer Saaxil,Ganacsatada kala duwan ee reer somaliland waxay tartan u galeen sidii  ganacsigooda qaybo ka mid ah  looga Iibin lahaa  bulshada ku nool magaalada Berbera iyo degmooyinkeeda oo Awal hore la soo dhaafin jiray dibna loogaga rari jiray Caasimada Hargeysa,waxqabadadaas tirada badan ee aynu soo sheegnay waxay sababeen in guud ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Saaxil noqdaan qaar   si mugleh u taageersan xukuumada iyo xisbiga Kulmiye.

Gabagabadii magaalo xeebeeda Berbera oo ah xarunta Dalxiiska iyo Hooyada Somaliland ayaa muwaadin kasta oo wakhtigan taga ama u kuur gala xaaladeedu uu dareemi karaa horumarka kala duwan ee ka qabsoomay todobadii sano ee u danbeeyay, waxaanay meesha ka baxday aragti dad badani ay qabeen oo ahayd in Berberi tahay magaalo ayaan daran hadana ah xarunta wax-soo saarka dalka, taas oo ay keeni jirtay kala duwanaanshaha muuqaalka aan fiicnayn ee Berbera iyo Dhaqaalaha baaxada leh ee kasoo baxa oo kala duwanaa, dadkuna u arkayeen Magaalo la hakraday oo  xukuumad kasta oo timaadaa daneheeda uun ka fushato balse taasi  ma jirto wakhtigan oo magaalada dalxiiska ee Berbera  waxa ka muuqda bilic iyo horumar indhaha bulshada soo jiidanaya.

Source-Badhtamaha News.